Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland Cabdilaahi Xasan Nugaal, ayaa faahfaahin ka bixiyay socdaal isaga iyo Masuuliyiin ka tirsan Hay’adda Waddooyinka Somaliland kaga soo laabteen waddanka Shiinaha, halkaasoo ay agab dhinaca dhismaha waddooyinka ah ay ka soo iibiyeen.

(MSL)Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland Cabdilaahi Xasan Nugaal, ayaa faahfaahin ka bixiyay socdaal isaga iyo Masuuliyiin  ka tirsan Hay’adda Waddooyinka Somaliland kaga soo laabteen waddanka Shiinaha, halkaasoo ay agab  dhinaca dhismaha waddooyinka ah ay ka soo iibiyeen.

Cabdilaahi Xasan Nugaal, oo Maanta warbaahinta la hadlay, ka dib markii laba maalmood ka hor ay dalka ku soo laabteen, isaga Madaxa Hay’adda Waddooyinka Somaliland, waxa uu iftiimiyay qorsheyaal dawladu doonayso inay ku dhisto waddooyinka oo qalabka ay soo iibiyeen loogu talo-galay.

 

“Socdaalkayaga waxaanu ka bilownay dalka jabuuti oo aanu ka helnay qayb ka mid ah alaabtii aanu doonaynay, markii dambena waxaanu u sii gudubnay, dalka Shiinaha oo aanu u tegnay sahan iyo inaanu ka soo iibino qalab loogu talo-galay Dhismaha waddooyinka”ayuu yidhi.

 

Waxaanu intaasi raaciyay “intii aanu joognay Shiinaha , waxaanu booqanay meelo badan oo aanu ku soo aragnay waxyaabo badan oo dalku u baahanyahay, waxaanu tagnay Wershado badan oo qalabka aynu u baahanahay sameeya, kuwaasoo aanu wax badan ka soo daraaseynay, hawshayaduna waxay ahayd sahan oo annagu lacag maanu qaadin, balse waxaanu doonaynay inaanu waxyaabaha aynu baahanahay soo ogaano”ayuu u sheegay Warbaahinta.

 

Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka Somaliland, inkasta oo uu sheegay in hawsha ay halkaasi ay u tageen ahayd Sahan la xidhiidha agabka dhismayaasha, hadana waxa uu  cadeeyay inay qalab cusub oo Waddooyinka lagu dhisayo soo iibiyeen.

 

“Safarkaasoo aanu mido laba bilood ka badan ku joognay dalkaa qaarada dhan ah, waxaanu ku soo aragnay waxyaabo badan, waxaanu soo iibinay alaab 14 shay ka kooban, waxaana ku jira laba Booyadood oo kuwa Daamurka Shuba ah, Gaadhi  Ximaar waddanka looga baahnaa iyo Iska rogooyin waaweyn oo nooca loo yaqaano (Seico), qalabkaasi mudo ugu badnaa lixdan Maalmood ah ayuu ku imanayaa , waxaanan bixinay lacagtii 30%, marka la soo rarona waxaanu shubaynaa 70%”.

 

Mar uu sharaxayay qiimaha qalabka laga soo siiyay, waxa uu sheegay “alaabtaa waxaanu soo siinay lacag Hal Milyan oo dollar hoos ka xigta, “ ilaa $800,000 Dollar”, waayo annagu lacag maanu sidan ee wuxuunbaanu isnidhi wixii deg-dega loogu baahnaa sii qaata”.

 

Guddoomiyaha Qandaraasyada Somaliland waxa uu sheegay in Qalabkaasi ka soo degi doono Dekedda weyn ee Dalka Djabuuti, halkaasoo uu sheegay inay ka istaraatiijisantahay ta Berbera.

“guddida Qandaraasyada Qaranka shaqaddeedu waxa weeye inay bixiso wixii qandaraas ah ee dawladdu u baahantahay iyo inay wixii qalab ah ee dawladu soo iibsanayso ka hawl-gasho, markaa annagoo dareensan in Ganacsi la horumariyo oo aanu uga faa’ido fursadaha qandaraasyada, hadana xaqbaanu u leenahay inaanu sahamino waxyaabaha daruuriga ah”ayuu hadalkiisa raaciyay

XUSEEN XARBI

MAANTASOMALILAND.COM

HARGAYSA/OFFICE

TEL/0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com