Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wafti uu Hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyada ee Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xassan ayaa Galabta u caraabay Gobolka Sanaag gaar ahaan Magaalada Ceerigaabo

Xirsi_Cali_Xaaji_Xasan_0Hargeysa(MAANTASAOMALILAND) Wafti uu Hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyada ee Somaliland Xirsi Xaaji Cali Xassan ayaa Galabta u caraabay Gobolka Sanaag gaar ahaan Magaalada Ceerigaabo oo ay safar ugu baxeen.

Ujeeda safarka wasiiradaasi uu hogaaminayo wasiir Xirsi ayaa lagu sheegay in ay ka mid tahay ololaha xukumadu ugu jirto qaadhan ururinta dhismaha wadada ceerigabo iyo burco isku xidha oo uu dhawaan madaxweynaha Somaliland dhagax dhigay.

Waftigaasi ayaa la sheegay in ay dadka Ceerigaabo la Ciidi doona iyada oo inta ka horeysana kulamo kala duwan la yeelandoonan madaxda iyo dadweynaha gobolkaasi si ay ugu bandhigaana in ay ka qaybgaalan dhaqalaha loo ururinayo wadadoodasi  si ay ugu xidhmaan gobolada kale ee Somaliland oo hataan ay godoon kaga jiraan.

MAANTA SOMALILAND.COM

XUSEEN XARBI

TEL/0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com