Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed caydiid iyo brfeakingAgaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Abiib Axmed Cali ayaa saaka dagaal kii ugu adkaa xafiiska hoosta isaga soo xidhay isla markaana Gaw-da iska saaray iyadoo la waayay cid kala qabata.

(MSL)Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed caydiid iyo brfeakingAgaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Abiib Axmed Cali ayaa saaka dagaal kii ugu adkaa xafiiska hoosta isaga soo xidhay isla markaana Gaw-da iska saaray iyadoo la waayay cid kala qabata.

Ilo wareedyo u dhuun daloola Wasaaradda ayaa Waaheen u xaqiijiyay in khilaaf beryahanba wasaaradda ka dhex taagnaa sababay in labada Masuul maanta isku haad helaan isla markaana inta la ogyahay waxa khasaare soo gaadhay wasiirka oo la sheegay in Nabaro ay ku dhaceen.

Lama oga sababta rasmiga ah ee ay labada Masuul isku dileen hase yeeshee waxa la filayaa in ay la xidhiidho arrimo maamul, balse ilaa hada midkoodna kamuu hadal dagaalkaas iyo waxa sababay.

Labada Masuul ee Wasaaradda Cadaaladda ayaa ah laba Baar-qab oo midkoodna aanu Kaftamin waxaana la saadaalinayaa in ay isla jiidheen arrintaas.

Xaaladda oo isla markiiba la dambabasay isla markaana laga ilaaliyay in ay duusho oo warbaahinta gaadho awgeed ayay ugu suurtogeli wayday wargeyska Waaheen oo isla markiiba Goobta booqday in uu xog dheeraad ah ka helo.

Dhamaan Laamaha Wasaaradaasi ayaa lagua amray in aanay war bixin waxaana isla markiiba lala galay shir deg deg ah.

xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com