Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Macdanta Iyo Biyaha Oo Sheegay In Dawladu Aanay Awood U Lahayn Wax Ka Qabashada Biyo La’aanta Magaalada Hargeysa, Beeniyayna In Uu Ka Qayb Galayaan Shir Ay Fadhiyeen Masuuliyiin Ka Tirsan Xukuumada somaaliya

(Hargeysa) Mar. 02, 2011- Wasiirka Macdanta, biyaha iyo tamarta Somaliland Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa maanta shaaca ka qaaday in aanay xukuumadu awood u lahayn wax ka qabashada xaalada biyo la’aaneed ee sannadaha badan ka taagan Magaalada caasimada ah ee Hargeysa, taas oo ay ballan qaaday xukuumadu wakhtigii ay ku jirtay ololihii doorashadii madaxtooyada inay biyo ku filan u soo saari doonto dadweynaha ku nool Magaalada Hargeysa.

Waxa uu wasiirku hadalkan ka sheegay mar uu maanta mudanaayaasha golaha guurtida warbixin ka siinayay xalaada biyaha wadanka iyo qorshayaasha ay wasaaradiisu doonayso in lagu yareeyo biyo la’aanta baahsan ee dalka ka taagan, waxaana uu sheegay in wakhtigan aan wax horumar ah laga samayn Karin mushkilada biyo yaraanta, iyada oo aanay jirin miisaaniyada loogu talagalay wax ka qabashada xalaadan.

Md Ducaale waxa uu sheegay in Magaalada Hargeysa dhibaatada ka haysata dhinaca biyuhu ay tahay mid dabiiciya, madaama oo ay qaybo badan oo Magaalada ahi uu joogoodu aad u sareeyo oo aanay biyuhu gaadhi Karin, isla markaana biyaha ka yimaada ceelasha Geed-deeble aanay ku wada filan dadka ku nool caasimada oo dhan, taasoo loo baahan in la sameeyo dhuumo cusub oo ay ku baxayso malaayiin Dollarka Maraykanka ah, waxaanu yidhi “ waxa jirta dhibaato xaga biyaha Hargeysa naga haysata, hada waxba lagama qaban karo dawladuna taas awood uma laha wax ka qabashadeeda, waxa ay baahan tahay lacag dhan malaayiin Dollar, waxa kale oo jirta dhibaato xaga dabiiciga ah oo haysata qaybo badan oo Magaalada, kuwaasoo aanay gaadhi Karin biyuhu, waxaana sareeya joogooda.”

Waxa uu sheegay wasiirku in dhibaatada biyo la’aantu ay tahay mid si weyn u wada taabatay guud ahaan gobollada iyo degmooyinka dalka, iyada aanay jirin wax qorshaha oo lagula taacalaya dhibaatdaas, taas oo keentay in abaaraha soo noqnoqanaya ay saamayn ku yeeshay dadka xoola dhaqada ah, inkastoo goobaha qaarkood ay wasaaradu ka samaysay ceel biyoodyo si ay uga cabaan dadka ku nool deegaamadaas.

Waxa uu wasiirka Macdantu sheegay in aanu jirin shir uu kaga qayb galay Magaalada Shaariqa dalka isu taga Imaaraadka Carabta oo ay ka soo qayb galeen masuuliyiin ka socotay dawlad ku meel gaadhka ah ee wadanka Soomaaliya, waxaana uu sheegay in masuuliyiin ay diyaarad wada raaceen oo ay wada galeen safar, balse aanay kulamo ay yeesheen intii uu ku sugnaa dalka Imaaraadka jirin, laakiin ay arrintaas buun-buuniyeen warbaahinta madaxbanaan ee Somaliland oo ay si kale dhigay.

Waxa uu ugu dambayn wasiir Xuseen Cabdi Ducaale halkaa kaga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen xildhibaanada golHargeisa.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com