Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Iskaa Wax u qabso:- Mashruuc Umadeed oo dib loo soo nooleeyey ENG MAHDI

Iskaa Wax u qabso:- Mashruuc Umadeed oo dib loo soo nooleeyey

 

Eng.Mahdi.Si kasta oo ay u burqanayso ilaha iyo awoodda dhaqaale ee dal, kaligood ma dabooli karaan Baahida iyo rabitaanka Shucuubteeda,hadii farsamooyin cusub iyo Maskaxo horumarsan laga shaqaysiin waayana waxa umadaasi u dambaysa hagaasnimo Maskaxeed iyo mid Murqeed iyaga oo Awood iyo ilo dhaqaale intaba haysta,Waxaan ka qayb galay Habeen Hore Xaflad igu abuurtay shakhsi Kalsooni, Dhalintana u ahayd Fikir carbin iyo Muruq Maal, Kumanaal qof oo isugu yimid inay iskood wax u qabsadaan, taransi

iyo anfac ay ku darsadaan dalkooda iyo dadkooda ayaa dareen Wadaniyeed ka abuurtay Xaflad ay isugu yimaadeen Bulshada qaybaheeda kala duwan, waxa iyadna ka sii niyad fiicnayd in ciyaal iskuul fahmaan Qiimaha Mashruuca dalkaaga wax u qabo, inta ay Dawladii u yeedheen ayey ugu bushaareeyeen in dalkooda Hooyo qayb ka yihiin oo aanay fikrad saliima ahayn in waad da?yartihiin darted aan looga reebin mashruucan, waxaany iska cuna qabateeyeen Qureecii,Xaydaradii,Baskii, iyo Shaahii.

Musqul Meel miyi ah ku taal Ma u fiirsatay iyada oo si fiican loogu xardhay,?USAID Peaple? Meel kale iyada ma kula kulantay ?From the Peaple of Japan? Waan hubaa inaad Marar badan aragtay, Mase iswaydiisay waxa ay tahay, iyo halka ay ka timid, Waa Shilimadii Jeebka ku hadhi lahaa oo inta loo Fakiray Caqli saliim ahina hagay, oo adigii lagaaga dhigay gargaar bani aadamnimo, oo goormay dadka reer Maraykan I bareen Suuli qodida, Goormaase Maalinta Faraxalka ay ii tilmaameen dadka reer Jabaan, Hadii ilmaheennu dareemay inuu iska tuuro Heeryada Caalamku ina saartay Baahina loo qabo Dib u dhiska Dal aan 20 sanno arag Meel lagu Hayo Barnaamij loogu magac daray Maxaad dalkaaga u tari kartaa? miyaanay haboonayn in qof kasta oo Qaan gaadhayna uu qof ahaantiisa u hibeeyo dalkiisa Awoodihiisa dhaqaale iyo mid Muruqeedba. Hadii sidan la yeelo waxa aan mustaxiil ahayn in Dunida lagu arko Weedh si bilicsa loogu xardhay ? From the Peaple of Somaliland?.

Waxa hadaba iswaydiin leh miyaynu galnay Mashruucyo hore oo Naajix noqday oo ardaygeenna,Xamaalkeenna,Ganacsadaheenna,iyo siyaasigeennaba u noqda Tusaale aynu ku hiran karno.

Jawaabtuna waa Haa, Waxaynu sanado ka hor gacmaha isku qabsanay Masiibadii Dabiiciga ahayd ee Roobabkii raxmaadku ay ku burburiyeen Biriishkii Caasimadda Dalka, waxaynu tijaabadaasi ka soo baxnay inaga oo guulaysanay, Waxaynu isu xilsaarnay Wadooyinka Xaafadaha Caasimadda iyana waxaynu ka soo baxnay inaga oo guulaysanay, Magaalada Gudaheedii waynu dhaaftay oo waxaynu u tolownay Gobolada taasina way suura gashay, Miyaynaan dhisin Karin ayay noqotay Mid dhererkiisu yahay 360KM.

Hadaba aynu u soo noqono Mashruuca iskaa wax u qabso iyo Kaalinta uu ka qaato horumarinta Bulshada.

Mashruuca iskaa wax u qabso ayaa lagu qayaxaa inuu yahay Dadaal Bani aadamnimo oo Bulsho meel wada degtaa u qabato si qofnimo ama Bulsho ahaaneed iyada oo ka duulaysa Dareen Wadaniyeed oo toos ah, iyada oo qofka dadaalka bixinayaa aanu Mashruucan dhaafsanayn wax Macaash ah ama Faaiido Lacageed, waxase taasi badalkeeda uu helayaa Dareen ahaansho Ama Wadaniyadeed inuu Fuliyay Masuuliyad saarnayd oo Dalkiisa ka saarnayd, Waa shaqo ka qaybqaadashadeeda aad xor u tahay Go?aankeeda.

Barnaamijkan iskaa wax u qabso ayaa lagu tilmaamaa inuu leeyahay Dareen iyo Dhadhan bani aadamnimo oo uu helayo qofka Barnaamijyadan ka qayb qaatay, Dhinacyada uu Barnaamijkani koobsano waxa ka mid ah Dhinacyada Diiniga,Wadaniyadda,Arimaha Bulshada,Horumarinta.
Diinta iyo Iskaa wax u qabso.

Barnaamij Samafal marka dhegaheennu maqlaan ayaa laga yaabaa inaynu u fahano inuu yahay arin la xidhiidha oo kaliya arimaha Diinta ee aanu xidhiidh la lahayn horumarinta waxbarasho,caafimaad,adeegyada asaasiga ah ee bulshadaasi, aragtidani waa mid kala dhantaalaysa diinta islaamka oo iyadu Xoogga saarta horumarinta adeegyada dhamaantood,l Masaajidka ilaa Wadooyinka,Caafimaadka, waxana marag ma doon in Diinta islaamku aaminsantahay in Bulshadu wax wada qabsato ay ka mid tahay Tiirarka Islaamka ee Xadaaradii Muslimiintu ku dhisnayd,Diintuna qofka Bani wadamka ah ay aaminsantahay inuu yahay waxa ugu qaalisan ee dunidan ku uuman ayna tahay in laga faaiidaysto isna wax u faaiideeyo bulshada, oo aanu noqon mid raali ku ah nolol hoosaysa oo uu keligii isku soo xidho qol amase qof keligii noole ah, sidaasi daraadeed ayaa la inoo sheegay in Muslinka dad dhex galka leh ee dhibtooda u samaraya iyo ka keligii socodka ahi alle agtiisa ku kala fadli badanyihiin.

bal aynu tusaalayaan nool soo qaadano ee ila eeg si dhaqaalaha umada kor loogu qaado rabi waxa uu ina faray oo yidhi ? rabi wuxuu ku siiyey aakhiro ku baadi goob, hana ilaabin dheeftaada Aduunyo?, waxa lagugu amray inaad yeelato gacanta saraysa ee wax soo saarka iyo anfaca bulsho, ood dhaqaalaha dalkaaga iyo dadkaaga kor u qaado.

Muslimiintu iyaga oo Fulinaya Amaradan rabaaniga ah waxay si toos ah u dabaqeen aragtida iskaa wax u qabso, aynu tusaale u soo qaadano suubanihii Muxamad, Markii uu soo gaadhay Magaaladii Madiina Waxa uu waydiiyay Magaaladu halka ay biyaha ka heshay waxay u sheegeen in ceelka nin Yahuudiye leeyahay, waxa uu qorsheeyay sidii Muslimiintu ay ula wareegi lahaayeen Ceelkaa biyaha, rag inta uu u diray ayuu yidhi waxaanu u baahanahay in Ceelka la naga iibiyo, waxase uu ku xidhay lacag tiro iyo tayo dhaaftay, rasuulkuu kamuu tanaasulin fikirkiisii waxa uu asxaabtiisa ku yidhi ? Yaa Ceelkaa inoo iibinaya oo Jano ku bedeshay? Cusmaan ayaana Jaaisadaasi ku guulaystay.

U fiirso looma baahna in ilahaaga dhaqaale cadawgaagu gacanta ku hayaan, u fiirso arinka kale ee meesha ku jira ee ah inaan Cusmaan dhisin Masaajid uu janno ku gelayo se uu Ceel Biyood ku mutaystay, Arimihii Bulsho oo laga shaqeeyo inaynu Janno ku helayno lama oga miyaa! Jandii ma waxay ku soo ururtay in Wadaadadu Warbaahinta dadka uga yaboohaan Masaajid hadii la dhiso in Janno la gelayo, ku darso sheekh Barjaamijkaaga in hadii Waddo,Ceel,Cusbitaal, la dhisana Janno la helayo, Waxaan uga socdaa in sheekhu sidii Masaajidkan arinkanna ugu dadaalo oo aynu Gacmaha isku qabsanno Wadaad iyo Waranlena,Aqoonyahan iyo aqoon gaab,rag iyo Dumar, caruur iyo ciroole, Dawlad iyo shacaba aynu Muujino inaynu awoodi karno ka midho dhalinta Himiladeenna, Cadawgana u quus goyno?
La soco?.

Eng. Mahdi Sheekh.

TOP

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com