Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maalinta mujaahidka waa maalmihii adkaa ee soo wajahay halgamayaashii SNM oo ay kumanaan qof ku dhinteen ayay natiijadeedii noqotay in ay dhabawday ujeedadii halganku” WARSAXAAFADEED AFHAYEENKA MADAXWAYNAHA MUDANE DHUXUL

Maalinta mujaahidka waa maalmihii adkaa ee soo wajahay halgamayaashii SNM oo ay kumanaan qof ku dhinteen ayay natiijadeedii noqotay in ay dhabawday ujeedadii halganku”

“Xukuumada Somaliland-na diyaar ayay u tahay in mujaahidiinta Nool iyo Agoomihii ay Mujaahidiintu ka tageen ay gacan siiso”Madaxweyne axmed Siilaanyo

Hargeysa (MaantaSomaliland)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa caawa dhambaal hambalyo ah u diray mujaahidiintii dalkan u soo halgamay dib u xorayntiisii ee SNM oo uu ku bogaadiyay xuska munaasibadda shuhadada SNM oo ku beegan maalinta Berri ee 17-ka Bishan October, waana sanad guuradii 29-aad ee ka soo wareegtay dagaalkii Burco-duuray ee 1984-kii.

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in halgankii dib u xoraynta dalka ay ku dhinteen kumanaan mujaahid, kumanaan kalena ku dhaawacmeen, hase yeeshee ay dhabowday himiladii iyo qasdigii halganka oo dhalay Jamhuuriyadda Somaliland oo ah qaran xor ah.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu caawa soo saaray Afhayeenka madaxtooyadda Mudane Axmed Saleebaan Dhuxul oo u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa dhamaan mujaahidiintii SNM munaasibada 17-October 2013 awgeed oo ah maalinta loo asteeyey xuska mujaahidka SNM.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland waxa uu bogaadintaasi maalinta mujaahidka uu ku xusay in maalmihii adkaa ee soo wajahay halgamayaashii SNM oo ay kumanaan qof ku dhinteen, kumanaan kalena ay ku naafoobeen ay natiijadeedii noqotay in ay dhabawday ujeedadii halgankaasi loo soo maray, maantana ay shacabka reer Somaliland ku naaloonayaan midhihii halgankaasi oo ay yihiin qaran xor ah oo u taagan difaacooda, sharaftooda iyo jiritaanka qarankeena.

Waxa uu madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, uu illaahay uga baryayaa mujaahidiintii ku naf waayay halgankii, in illaahay naxariistii jano ka waraabiyo intii ku naafawday iyo agoontii ay ka tageen mujaahidiintii qarankan u naf waayey in uu illaahay nolosha u sakhiro.

Xukuumada Somaliland-na ay diyaar u tahay intii awoodi noqoto in mujaahidiintaasi nool iyo agoomihii ay mujaahidiintu ka tageen ay gacan siiso.WA-BILAAHI TAWFIIQ.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com