Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir suldaan C/laahi oo ka mid ah salaadiinta Somaliland ayaa ugu baaqay golaha wakiiladda inay duuduub ku ansixiyaan xeerka la hor keenay ee kootadda u siinaya haweenka kuraasta ay ku yeelanayaan baarlamaanka.

(MSL)Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir suldaan C/laahi oo ka mid ah salaadiinta Somaliland ayaa ugu baaqay golaha wakiiladda inay duuduub ku ansixiyaan xeerka la hor keenay ee kootadda u siinaya haweenka kuraasta ay ku yeelanayaan baarlamaanka.

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir oo shalay shirjaraa’id ku qabtay magaaladda Hargeysa, ayaa sheegay in golaha wakiiladda looga baahan yahay in aanay wax dood ah ka yeelan xeerkaasi isla markaana aanay cod u qaadin bal se sidiisa lagu ansixiyo.Suldaan Maxamed waxa uu tilmaamay in haweenku ay had iyo jeer yihiin cida ka shaqaysa horumarinta iyo waxqabadka dalka, waxaanu sheegay inuu isagu shaqsiyan soo jeedin lahaa in tiro ahaan marka baarlamaanka Somaliland gole kasta saddex loo qaybiyo in meel iyo badh haweenka la siiyo, xaqna ay u leeyihiin.

Isaga oo arrimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “intii ururka haweenka Somaliland arrinkeeda ku jireen waxaan u arkaa inay dulmi fara badan tirsanayeen, laakiin waa Illaahay mahadii mar haddii ay maanta codsi keeneen, ay ku dalbanayaan in kuraas aan lagu tartamin loo qoondeeqo xaq ayaanay u leeyihiin, weliba waxaan anigu soo jeedin lahaa goleyaasha marka gole walba saddex meelood loo qaybiyo in haweenka meel iyo badh la siiyo, oo doorasho lagu siiyo. sababta oo ah had iyo jeer cida horumarinta dalka iyo waxqabadkiisa ka talinayaa waa haweenka reer Somaliland, wax aanay haween dalka u qabana ma jiro, wax walbana iyaga ayaa hormood uga ah, kol ay tabarucaad ururiyaan, kol ay mashaariic badan soo qabtaan, kol ay caafimaadka ku tahay haweenka ayaa kaalinta koowaad haysta, waanan ku hanbalyaynayaa arrinkaa ay keeneen”.

Waxaanu intaasi ku daray suldaanku “Golaha wakiiladda waxaan leeyahay, waar maanta iska ilaaliya ceeb iyo side haweenka loo siiyaa kuraas aan tiro lahayn in ay fool xumo wayn idinku tahay. Waxaanan u soo jeedinayaa golaha wakiilada arrintaasi duuduub in aad ku qaadataan, marwadda koowaad ee qaranka Somaliland codsigaa ay soo gudbiyeen haweenku ee ay mooshinkaasi horkeeneen baarlamaanka waa in aanu noqon mid loo codeeyo, ee waa in sidiisa lagu ansixiyo. Waayo cida aynu horumarka heli karnaa waa haweenkeena, nin aan naag wanaagsan qabin iyo nin aan guri haysan ayuunbaa garan kara waxtarka ay haweenku leeyihiin iyo dhibta ay la’aantoodu leedahay waxaanan leeyahay arrinkaasi in laga dodo waa inagu ceeb, oo ay golaha wakiiladu ka doodaan” ayuu yidhi suldaan Maxamed.
Sidoo kale Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir waxa uu sheegay inay golaha baarlamaanka Somaliland ku jiraan xubno xidhiidh la leh dawladda Soomaaliya, isla markaana ay xubnahaasi koonfurta la haysta ay uga xaq leedahay kana mudan yihiin haweenka daacada ah ee ka shaqaynaya horumarinta dalka Somaliland.

Waxaanu rejo ka muujiyay in aanay haweenku ku hongoobi doonin meel marinta xeerkaasi, isla markaana ay golaha wakiiladu ansixin doonaan, waxaanu xusay inay madax-dhameed ahan ku garab istaagayaan haweenka sidii xeerkaasi loo ansixin lahaa. Waxaanu sheegay in haddii ay baarlamaanku ansixin waayaan xeerkaasi inay shacabka ku soo kicin doonaan, isla markaana ay mudaharaad ka hordhigi doonaan golaha. Waxaanu yidhi “Rag golaha wakiilada ku jira ayaa la haysta Koonfur, ninka foonfur la haystana aniga waxaa ii dhaama gabadhaa Somaliland maatideedii, agoonteeda iyo dib jirkeeda, darbi jiifkeeda wax u qabanaysa, golaha wakiilada maalinta ay soo gashana wax danbe oo laga doodayaa in aanay jiraynin ee ay iyagu wixii la is yidhaahdo ka doodaba ay dhamaystiri karaan. Marwadda Madaxweynahana waxaan leeyahay, dalka inta qudha ee ka maqnayd waa intaa aad maanta horgeyseen golaha wakiilada ayay ahayd, waxaanan idiin rejaynayaa in ay daan ku hungoobayn arrintaasi, waayo annagu (Salaadiinta) anaga ayaa shacbiga idin metelna, cidii arrinkaasi diida maydaanu taxriir ayaanu ka samaynanaa baarlamaanka hortiisa, oo aanu leenahay raga meesha haysta sanadaha badan wax horumar ah oo ay qabteen ma jiro, ee ha lagu eego haweenka xaq ayay u leeyihiin, taasina waan idinku taageerayaa”.

Dhinaca kale Suldaan Maxamed, ayaa ka hadlay guddida horumarinta qaranka ee dhawaan la magacaabay, isaga oo soo jeediyay inay noqodaan kuwo lagu soo xulay karti iyo aqoon iyo inay ahaadaan xubno dhaqaale haysta si aanay u cunin hantida loo dhiibay.Waxaanu sidoo kale Suldaanku in gudida horumarinta qaranka laga bedelo magaca iskaa wax u qabso, isla markaana loo bixiyo wax qabso ha lagula qabtee. Waxaanu yidhi “Guddidan horumarinta qaranku waa inay noqoto guddi qaran, cida gudida qaranka noqonaysa ee horumarinta dalka ka shaqaynaysaa waa inay noqotaa nin jeebkiisa inta uu xidho wixii dadku soo huraan iyo wixii dalka loo soo garto waa in aanu afka iska marin, waayo nin baahani horumarna kuu samayn kari maayoi, dalkana waxba kaaga qabana maayo, laaiin cidii hanta lagu tuhmayaba waa in gudida lagu daraa, si mashruuca u horeeya ee ay bilaabaan uu wakhti gaaban ugu dhamaystirmo. Waxaan soo jeedinayaa in gudida horumarinta qaranka waa in laga daayo magaca ah iskaa wax u qabso waayo kelmadda iskaa wax u qabso faqashtii ayay inagaga soo baxday, markaa ma doonayno ee waa in gudida loo bixiya magaceeda wax qabso ha lagula qabtee, in berito tii Maxamed Siyaad Barre oo kale iskaa wax u qabsadeedii inta loo soo qaato qodob la yidhaahdo wixii la dhistaba ha la iibsado, suurtagal maaha iskaa wax u qabso waa hanta umadeed, meel qudha ahina ma goyn karto iibkeeda, wasiirna ma soo ansixin karo ee waa inay guddidu horta noqoto gudi qaran, oo qaranka metelaysa, dadkana wax waydiinaysa”.

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir Suldaan C/laahi, ayaa kula taliyay xukuumadda in soo xulista guddidaasi si adag looga fiirsado, isla markaana cida hogaaminaysa loo eego shuruucdeeda iyo xeerarkeeda. “Waxaan xukuumadda kula talinayaa gudidaasi waa in looga fiirsado si adag, cida noqon karaysa, cida wadi karaysa iyo cida hogaaminaysa, waa in shuruucdeeda marka hore la soo sameeyo, oo niman sharci yaqaano ah loo diro, si aanay hadhaw u noqon gudi waxa ay doonto xaraashi karta, waxa ay doontana samayn karta” ayuu yidhi suldaanku.

xuseen xarbi

maantasomaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com