Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Digreeto dhawaan uu soo saaray Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ku magacaabay Guddida dhismaha jidka Ceerigaabo ku soo xidhaya Goboladda Galbeed, kaasoo ay Xukuumaddu qaadhaankiisa geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii ay u fulin lahayd. Guddida Madaxweynuhu magacaabay waxa ka dhex muuqda Rag door ah oo miisaan leh, waxaana ka mid ah Sheekh Aadan X Maxamuud (Aadan Siiro)

(MSL)Digreeto dhawaan uu soo saaray Madaxweyne Siilaanyo waxa uu ku magacaabay Guddida dhismaha jidka Ceerigaabo ku soo xidhaya Goboladda Galbeed, kaasoo ay Xukuumaddu qaadhaankiisa geed dheer iyo mid gaabanba u fuushay sidii ay u fulin lahayd.

Guddida Madaxweynuhu magacaabay waxa ka dhex muuqda Rag door ah oo miisaan leh, waxaana ka mid ah Sheekh Aadan X Maxamuud (Aadan Siiro) oo ku caan baxay mashaariicda tabarucaadka ah ee loogu gar-gaaro Dadweynaha guud ahaan gaar ahaana Dadka Jilicdsan, waxana ka mid ah mashaariicda la majeero ee uu gacanta ku hayo Cisbitaalka Dhimirka Sahan iyo Xabaalaha Hoyga Aakhiro ee lama Huraanka ah u noqda dadka ku dhaqan hargeysa.

 

Sidoo kale, Mashruuca la mahadiyay ee Quudinta Dadka dan-yarta ah eek a socda Masaajidka Xawaadle ayaa isna ah meel la cuskan karo waxtarka Sheekhu ka fuliyo hargeysa, isla markaana uu kaga qayb qaato dhismaha Dalka, iyada oo aan la tiring karayn baahiyaha kale ee aan la ogayn ee uu Gufeeyo oo aynu ka xusi karno dhaqaalaha uu u ururiyo Dadka duruufaha kala duwani haystaan ee Dibedaha laga soo caawiyo.

 

Hadaba Madaxweyne Siilaanyo isagoo maanka ku haya waxtarka Sheekha iyo dhaliilaha uu xukuumadiisa u jeediyo waxa uu dhawaan ku daray Guddida Jidka Ceerigaabo oo aan is odhan karno wax badan buu ka tari karaa Sheekh Aadan Siiro iyo Kooxda ku wehelinaysaaba, hase yeeshee waxa jira mashruuc kaas ka wayn oo dadka iyo xukuumadaba wax tar weyn u yeelan lahaa Haddii Madaxweyne Siilaanyo Sheekha u dhiibi lahaa, wallow aanan damaanad ka haynin sheekhu xilkaas in uu diyaar u yahay.

 

Muddo laga joogo laba sano iyo dheeraad oo ku siman wakhtiyadii Madaxweyne Siilaanyo talada la wareegay isagoo og baahida loo qabo waxa uu sameeyay Xafiiska Diiwaanka Sekedda, waxaanu u magacaabay Sheekhal Baladka Gobolka Awdal gaar ahaan magaaladda Borama Sheekh C/laahi Sh Cali Jawhar oo ah sheikh Caalim ah isla marakaa Somaliland ugu suntan dadka dhismaheeda qaybta Libaax ka qaatay.

 

Siday doonto ha u dhacdee Sheekh C/laahi xilkaas wuu ka war wareegay Madaxweyne Siilaanyana cid danbe oo uu kula ciiro wuu ka gaabsaday hase yeeshee mansabkaas oo ah mid muhiim ah oo ay ku haboonayd in loo dhiibo cid hanan karta Madaxweyne Siilaanyo laba sano kadib waxa uu isaga madalufiyay Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta, isagoo Amray in ay Xeer u samayso isla markaana ay aahawlgeliso.

 

Sheekh Khaliil, wasiirka Diinta iyo Aw-qaaftu xilkaas la saaray wali kamuu soo bixin, waxaanay maraysaa sanad ku dhawaad inta Madaxweyne Siilaanyo dusha u saaray in uu ka furto maadaama Sheekhal Baladkii Ina Cali Jawhar ka gaabsaday in uu xilkaas tunka u rito.

 

Sida aana hore usoo sheegay Sheekh Aadan Siiro waa muwaadin ku sifoobay in uu fuliyo shuruudaha Madaxweyne Siilaanyo Sanduuqaas uga dan leeyahay, waana inta uu Aadan Siiro imikaba qabto maadaama sadaqooyinka lagu soo hagaajiyo imikaba, qaarkoodna uu isagu abuuray si ay bulshadu uga baxdo baahiyaadka Aasaasiga ah.

 

Salaadii Ciidal Adxada Sheekh Aadan Siiro waxa uu ka bilaabay qorshe cusub oo uu dadka kaga Ururinayo qaadhaanka Xabaalo cusub oo loo Iibiyo Hargeysa, iyadoo la ogyahay sida uu ku abuuray qaadhaankii hore ee lagu Iibiyay xabaalaha Toban sano jirsadka ku dhaw ee waqooyiga Hargeysa oo Hoy u ah kumanaan qof oo qayb ka ahaa qaadhaankii hore ee uu ku bilaabay.

 

Sheekh Aadan Siiro qudbadihiisa Jimcaha qof kasta oo xaadiraa waxa uu ka dhadhansan karaa dhabaha ay Xukuumaddu hayso ee ah in dadku isku tashadaan oo ay wax qabsadaan waxaanu dadweynaha la hor yimaadaan xisaabtan dhab ah oo uu ku tuso shilimaadka ay isku gee-geeyaan faa’iidada Guud ee uu bulshada u leeyahay, taasoo la odhan karo qorshaha imikaba Madaxweyne Siilaanyo ku darsaday in uu kala qayb qaato in ay ka dhalatay hindisihiisaas.

Si kasta ha ahaatee Madaxweyne Siilaanyo maadaama oo uu tabey Sheekh Aadan Siiro isla markaana u cugtay in uu kala qayb qaato dhismaha Jidka Ceerigaabo waxa wanaagsanaan lahayd In uu ku eego Sanduuqa Diiwaanka Sekedda maadaama oo uu u buuxin karo kaalintii Sheekhal Beledka Hargeysa, oo si weyn loo tabayo, isla markaana uu kaga wanaagsanaan karo guddida uu liiskooda ka muuqdo

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com