Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

guud ahaan shacabka weynaha reer somaliland iyo dhamaan umada Islaamka ahķ shalay u dareereen gudashada Waajibaadka Ciidul Odxaha iyadoo sidoo kalena lagu kulmayey goobaha Cibaadada, iyo suuqyada ayaa waxaa kadib markii laga baxay salaada ciida dadweynaha caasimada ku dhaqan intooda Miisaanka iyo Muuqaalka ku dhex leh bulshadu ku kulmayeen qasriga Madaxtooyada bartaas oo Madaxweyne Silayo salaan gacan qaad ah ku qaabileyey sida caadada ah WAXAANA MADXAWAYNAHA MARKII UGU HORAYSAY KULMEEN SULDAAN DAAKIR oo ah suldaanka beesha gabooyea

(MSL)guud ahaan shacabka weynaha reer somaliland iyo dhamaan umada Islaamka ahķ shalay u dareereen gudashada Waajibaadka0 Ciidul Odxaha iyadoo sidoo kalena lagu kulmayey goobaha Cibaadada, iyo suuqyada ayaa waxaa kadib markii laga baxay salaada ciida dadweynaha caasimada ku dhaqan intooda Miisaanka iyo Muuqaalka ku dhex leh bulshadu ku kulmayeen qasriga Madaxtooyada bartaas oo Madaxweyne Silayo salaan gacan qaad ah ku qaabileyey sida caadada ah.Masuuliyiinta oo isugu jira, Madaxda dawlada, Siyaasiyinta Wadanka, Culimada, Aqoonyahanka, Salaadiinta, iyo waliba sidoo caruurta oo iyagu si gaar ah u leh maalinta Waxaa si gaar ah ugu dhex muuqday Suldaan Daakir Xassan Khaliif oo kamid ah Salaadiinta wadanka, Suldaanka oo shalay soo galay Qasriga Madaxtooyada Somaliland mudo 2 sano ah kadib ayaa waxaa uu si kal iyo laab ah isku salaameen Madaxweyne Silanyo oo mudadaas ay ku kala maqnaayeen xurgaf soo kala dhex gashay 2doodaSuldaan Daakir oo saaxibo dhow ay ahaayeen Madaxweyne Silanyo Mudooyin badan si gaar ahna loogu xasuusto ololihii xisbiga kulmiye ee doorashada Madaxtooyada ayaa mar kaliyaata ka xadhko furtay Xukumada kadib markii Madaxweyne Silanyo 1 sanno xilka Madaxweynenimo hayey.Suldaanka oo sida la sheegay markaas beeshiisa ka dhex waayey goolaha wasiirada ayaa haddana ahaa Salaadiinta sida gaarka ah u Madaxweyne Silanyo u maamuusayDhacdadan ayaa waxay shalay dadweyne badan tustay in Suldaanka iyo Madaxweyne Silanyo sidii hore iskaga soo dhawaadeen iyadoo Suldaanka ay wada Socdeen Lataliyaha Madaxweyne Silanyo ee dhinaca Arimaha Bulshada Suldaanku hayb ahaan ka soo jeeda Lama garan karo iney si toos ah u dhamaatey wixii dhex yaalay 2da dhinaca balse mar aanu isku daynay inaanu wax ka weydiino ilaha ka agdhow Suldaanka iyo Silanyo ayaa ku gaabsaday iney Suldaanka iyo Madaxweynihiisu horeyba u ahaayeen Saaxibo dhow haddana yihiin Suldaan iyo Madaxweynihiisa oo isku soo boholyoobay

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com