Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Qura’aan oo dhan Quluhu’wale, ayaa isku fuuqsaday Kudbadihii ciidana, tii Sh. Adan Siiro, ayaa isku fuuqsatay.

Nin kastaa ha doodobey, sidi roobka ha da’o. Wadaad iyo waran laba, waxkasta oo ay dudubiyeen, munaasabadii ciida, runtii daaha kamay rogin, marka laga reebo Sh. Aadan Siiro oo xaqa uun ku daakirey, isaga oo aan cid u dudeen, cidna daadihineen, cidna daayo lahayn, cid difaaca lahayn, oo akhriyey siday diintu nagu tidhi khudbada qaran, khudbada ciideed,khudbad Islaameed aan xil doon ahayn, oo wax ku ool ah, waayaha hadeer ku salaysan, iyo meerisyadii taariikhdii la soo maray. Ilaahayoo ka abaal mari, eryega toosani, waa cibaado eh, sidii uu yidhi nebigeenii suubanaa, CSW.

Culimadii badankeedu, wankii badhida weynaa, balaayada dabaalaayey, wankii ciida, dig ka siiye, waxay gobi ku haasawda oo la garto, aaminta ducadiyo, alla bariga mooyee, may odhan. Ku dhiiran waayey, waayaha manta lagu sugan yahay. Siday caadadoodu ahayd, waxay ka warama waayihii sula iyo wacdi aan manta joogin. Ubadkeena ugamay digin, in aan xil qaran qaadistiisu ahayn xootooyo xoolo dadweyne, in aanay ahayn cidi kuma arakaysee afka buuxso, ee uu yahay dan guud oo loo adeego, iyo in uu yahay wada tashi iyo is toosin. Ugamay digin in dabkii shalay lagu gubtey, danbaskiisa laga baydh, dawlada iyo dadweynaba, midna.

Dawladuna, madax meel ka saraya oo la taabtaa ma jirey, M/weynihii la doortay wuxuu la shir yimi, khudbad ciideedii, nuxurkeedu yahay, ammaanta laba qof, oo la yidhaa Xirsi iyo Samaale, oo loo tirinaayo, kala guris qabiil, garadarada sokeeyaha, kuwa gees biciid u leh, oo guul wadaynta Aayado u daliiliishada, surwaalkana u gaabsada. Nin diintii ka cabatay, oo distoorkii ka cawday, oo waxaan la isku ogeyn hoos ka unkaaya, ayay u durbaan tumayaan, magacii ka dilayaan, hore beenta ugu baxay.

Aniga qudhayda, waan taraaray. Markaa arkay khudbadiisa, waxay igu keliftay, in aan af caruureed kula hadlo dawlad caruureeda, oo aan idhaa: “Waa ciidoo, waa Cali baqbaq, waa ciidoo, waa caano babaq, waa ciidoo waa Xirsi baqabaq, waa ciidoo waa Samaale baqbaq, waa ciidoo, waa wasiiro baqbaq, waa ciidoo waa ciin daaq, waa ciidoo waa madaar baqbaq, waa ciidoo, waa xukuumada baqbaq, waa ciidoo waa maasuq baqbaq, waa ciidoo waa dhagax baqbaq, waa ciidoo waa been baqbaq, waa ciidoo waa wareegto baqbaq, waa ciidoo, waa saarey baqbaq, waa ciidoo waa doorasho baqbaq, waa ciidoo dimoqraadiyada baqbaq, waa ciidoo waa golayaal baqbaq.” Raali iga ahaada in aan af carruureed maalmaha, ciida aan ku halqabsaday.

Aniga iyo M/weynahaba, waxaa ereyayadii biiyey, oo naga wanaag bursaday, Sh. Adan Siiro oo akhriyey khudbad if iyo aakhiraba bulshooyinka muslimiinta anfacaysa, meelkasta oo ay joogaan, oo heer caalami ah. Tuu M/weynuhu yidhi iyo erayadeeduba heer deegaan iyo xafiiltan sokeeye, ayay ahaayeen, kuwa kale ee la akhriyeyna warkood dhaaf, dhandhan iyo dhasho shiir midna ma lahayn.

M/weynahu mar hadduu, kala xishoon waayey shacbiga, dhalanteed iyo dhallaan habbabis, mar hadduu ka xishoon waayey tabihii Siyaad Barre iyo weliba saayido in uu dib adeegsado oo soo calyo ceshado, in layna ka mid buu ahaaye, mar hadduu isagu ku nuuxnuusanayo, wuxuu Cabdiraxmana Axmed Cali, xaq u dirirkii, ka xishoon jirey, ee uu ku masabidi jirey, siday taariikhdu ka marag murfurtay; mar hadduu wuxuu Cigaal kala caal waayey, iyo waar taa ka joog, uu maanta ku talaabsaday oo haad u helay, mar hadduu wixii u Riyaale ku eedeeen jirey oogta ka cadaystay, isaga oo aan kala reebin, oo raguu eedayn jirey, danihiisa gaarka awgood u miciin moodey, oo marsadii Berbera, dib u maxlaley, masaajid ka dul dhistay, iyada oo aan weli cadad bixin, mar hadduu danbiilo u arko iyo canaasiir xusbiyada qaranka, madashii wada tashiga iyo toosinta, mar hadduu warbaahintii qaranka, miisaaniyadii u shan laabay oo keligii adeegaysadey, ammaan been ah ku istareexaayo, mar haddii shantarad waa cayaayiri, shaxi dhanaanatay, waxaan leeyahay: “Ba’anaa alla been badanaa, waa mid aan ku bartee Ruuxu been badanaa. Ba’anaa, Alla been badanaa, waa mid aan ku bartee ruuxu been badanaa.”,

Siyaad Barraha uu canjilayaa ee uu ku doodayo in uu dugsigissi ka soo qalan jebiyey, maalmahan oo kale khudbado qaaliya ayuu akhri jirey, maxaayeelay, wuxuu adeegsan jirey wax garadka qaranka, M/weynaheenuna weli wuxuu adeegsanayaa idaacadii Horyaal ee aflagaadad, cayda iyo qaran demiska u badheedhay. Weli waxaad moodaa in uu kaalintii mucaaridka ku jiro. Wuxuu luxudka la soo kacay oo dhagaxyo saydh, saydhay markuu maqlay Madasha Wada tashiga iyo toosinta, ee caano biyo ma daadshaha ah, laakiin ku camal falaya, xuquuqda distoorka iyo dimoqraadiyadu u ogoshahay.

Sheekh Adan Siiro, sidii looga bartay, wuxuu akhriyey khudbada wacadi iyo waano xanbaarsan, if iyo akkhiraba, qofkii Ilaahay garan siiyaa anfacaysa madax iyo mijaba.

Isku soo wada duuboo, Khudbadii Sh. Adan Siiro, waxay muujisay in uu yahay nin xil diimeed, xil dadnimo iyo xil damiir, nin uu gubayo, oo gudanaaya waajibaadkii eebahay faray, oo aan cidna uga gabayneen.

Hamud Duale
ganbar1@live.co.uk

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com