Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Waa Maanso Lagu Xusayo Mujaahid Lixle oo ku beegan maanta maalintii uu geeryooday

 

Waxaan halkan ka salaamayaa dhamaan saxaafada madaxa banaan iyo akhristayaasha sharafta mudan.

 

Waa yoomul shuhadaa.
Waa maalin wayn oo waa maalintii mujaahidiintii xaq u dirirka ahyd ee SNM loo qoondeeyay in la xuso isla markaana waa maalintii Mujaahidkii mujaahidiinta SNM. Maxamed Xaashiye (Lixle) Iyo saciimiin kaleba ku shahiideen BURCO DUURAY Ilaahay naxariistii jano haka wariibiyo dhamaan intii inaga shahiidaye ku soo dhawaada maansadan kooban ee aan ku xusayo Mujaahid LIXLE.

 

Hadii aan lixloo kale
Laab tadayda ka onkodo
luquntiyo garaadkiyo
Miyay laguhu gooyaan.

 

Miyuu fulaha liitaa
Laasimaha guushiyo
Raga kii lab gaadhaa.

 

Kuwii luray dadkeenee
Dumarkeena layn jiray
Laaluushka cuni jiray
Maxuu lawdh rasaasiyo
Madaafii lamaanoo
Darandoori laba dhaca
Luuf kooda kala hadhay.

 

Hadii aan lixloo kale
Laab tadayda ka onkodo
Luquntiyo garaadkiyo
Miyay laguhu gooyaan

 

Maxuu luunko qawracay
Hubna leebki kaga hadhay
Maxuu jilinka laaboo
Liishaamay cadawoo
Luufluufshay faqashoo
Lafahooda meel dhigay

 

Hadii aan lixloo kale
Laab tadayda ka onkodo
Luquntiyo garaadkiyo
Miyay laguhu gooyaan.

 

Maskax iyo laxaadbaa
Nin kaa lagu manaystee
Maxuu laaga buurtiyo
God libaax u galayoo
Intuu looxa ugu qoray
U laqimay qorshii iyo
Sida dagaalka loo galo.

 

Hadii aan lixloo kale
Laab tadayda ka onkodo
Luquntiyo garaadkiyo
Miyay laguhu gooyaan

 

LIXLE libinta Eebaan
Waaqii ka laabin oo
Laan bay u sudhantoo
Leexaa janada udug
Loodhigay dhexdeedoo
Ku led baanu leeneeee
Lixdan iyo lixboqol iyo
Lixdankun baanu ducadii
Aamiinta laba nidhi.

 

Waabilaahi tawfiiq
By:Cabdiwelli C Yalas

abdiwelli@hotmail.co.u

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com