Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dablaydii Weerarka Ka Fulisay Dhismihii Ganacsi Ee West Gate Oo La Sheegay In Uu Ka Qayb-qaatay Nin Somali Ah Oo Haysta Dhalashada Norway.

Nairobi(MSL)Baadhitaankii ay wadeen khubarada baadhitaanka dadkii ka qayb qaatay weerarkii rugta Westgate ee Nairobi, ayaa sheegay in afar qof oo laga arkay fiidiyoyaashi la duubay, in uu ka mid yahay nin asalkiisu yahay Soomaali oo ka tegey dalka Norway.

Xassan Cabdi Dhuxulow, waxa lagu tilmaamay in uu ahaa wiil da’diisu ay ahayd ilaa 23 jir, kana tegey dalka Norway oo uu dhalashadiisa qaatay, magaalada la yidhaahdo Larvik sanaddii 2009 oo ku taal dhinaca xeebta koonfureed, una kicitimay Soomaaliya. Waxana la rumaysan yahay inuu ka qayb qaatay weerarkii hubaysanaa ee rugta ganacsiga ee Westgate, magaalada Nairobi, halkaasi oo ay ku dhinteen ilaa 67 qof.

Toddobaadkii hore ayaa hawlwadeennada mukhaabaraadka ee Norway ee magacooda la yidhaa PST marka la soo gaabiyo, waxay sheegeen inay saraakiil u direen dalka Kenya, si loo soo xaqiijiyo wararka la xidhiidha weerarkii Westgate dad ka tirsan dalka Norway in ay qayb  ka ahaayeen.

Ilaa hadda ma cadda tirada sugan ee ka qayb gashay weerarkaasi Wesgate, waxase lagu qiyaasay inay u dhexeeyeen 10 -15 qof oo hubaysan, laakiin cajadaha filimada e ilaa hadda la baadhay waxay muujiyeen 4 qof oo kelia. Xassan Cabdi dhuxulowna waxa uu ka mid yahay afartaasi qof ee lagu arkay sawirradii cajaladahaasi fiidiyowgu ay duubeen.Dhuxulow waxa la sheegay in uu ku dhashay Soomaaliya, laakiin qoyskiisu inay u qaxeen dalka Norway sannadkii 1999. Intii uu ku noqday Soomaaliyana, waxa uu qoyskiisa kala soo xidhiidhi jirey telifoonno kala geddisan oo aan wada sax ahayn.

Dadkii yaqaanney intii uu joogey Norway waxay sheegeen in uu ahaa qof si weyn xagjir u ah, isla markaasina neceb nolosha Norway,sida ay warkan ku baahisay BBC-du,Dalka Norway waxa ku dhaqan jaaliyado Soomaaliyeed, waxana la rumaysan yahay in dad u dhexeeya 20 – 30 qof ay dib uga laabteen dalkaasi, kuna biireen ururrada xagjirka ah ee ka dagaallamaya dalkaasi somaliya.

Dhinaca kale laba qof oo mayd ah ayaa laga helay daartii uu weerarkani ka dhacay ee west gate mall halkaasi oo hada ah goob duntay,warbaahinta gudaha iyo guddidii ay dawlada Kenya u xilsaartay arrintan ayaa sheegay in laga helay maydka laba dof oo loo malaynayo in uu mid yahay dadkii weerarka fuliyey halka uu ka kalena yahay askari,wararku waxa intaasi ku darayaa in Somali yahay labada qof mid kood.

 

 

Xuseen Xarbi

maantasomaliland

Hargeysa Office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com