Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali X Xasan ayaa la filayaa berI in uu safar aan ujeedadiisa la shaacin oo qaadan dooona muddo bil ah ku tago dalka Ingiriiska.

 

 

Hargeysa(MAANTASOMALILAND) Wasiirka wasaaradda Madaxtooyadda Somaliland Xirsi Cali X Xasan ayaa la filayaa beri in uu safar aan ujeedadiisa la shaacin oo qaadan dooona muddo bil ah ku tago dalka Ingiriiska.

Wasiir Xirsi ayaa la filayaa socdaalkiisu inuu la xidhiidho qaadhaanka Jidka Ceerigaabo oo uu doonayo in uu ku soo dhiirigaliyo sidii ay uga qayb qaadana lahaayeen Dadka Qurbajooga ahi, isagoo kulamo ku qaban doona magaalooyinka ay degan yihiin dadka Reer Somaliland.

Safarka Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland ayaa ku soo beegmaya xili loolan adagi ka taagan yahay shirweynaha Xisbiga Kulmiye oo la sheegayo in khilaaf wayni ka taagan yahay xubno qaban qaabo ah oo ay wasiiradda iyo Guddoonka Xisbigu kala qaybsadeen kuwaas oo la isku haysto.

Kulan aan illaa hada laga haynin Xog dheeraad ah ayaa Xukuumadda iyo Hogaanka Kulmiye ku dhex maray Qasriga Madaxtooyadda iyadoo uu dib u dhacay Liis lagu waday shalay oo Jimce ahayd in lagu dhawaaqo, balse la filayo kulanka Madaxtooyadda ka dhacay kadaaib in dhinac uun la isugu biyo shuban doono.

Ilo wareedyo u dhuun daloola safarka wasiir Xirsi ayaa sheegaya in uu ku soo beegmayo xilli la hadal hayo in isku-shaandhayn uu ka mid yahay madaxweyne Axmed Siilaanyo samayn doono maalmaha soo socda, kaasoo aad loo hadal hayo in Xirsi loo bedeli doono wasaaradda Hawlaha Guud.

Bedelaada wasiir Xirsi ayaa loo aanaynayaa soo jeedin Madaxweynaha Somaliland kaga timi qaar ka mid ah qoyskiisa kuwaas oo kula taliyay in jagada wasaaradda Madaxtooyadda cid kale loo magacaabo si uu taageero ugu helo doorashada Madaxtinimada ee soo socota.

Soo jeedintan cida ugu badan ee ay ka soo baxday isla markaana wali danaynaysa in ay sidaas u dhacdo ayaa la saadaalinayaa in tahay Wiilka Kulmiye Axmed Siilaanyo la yidhaahdo oo la sheegayo in uu Aaabihii kula kulmay Dalka Turkiga isla markaana Hargeysa u joogo qorshihiisaas.

Sidoo kale, Cali Maxamed warancade ayaa la filayaa in seeftu qaadato ama meel kale loo bedelo halka la hadal hayo in Rag Wasiiro sugayay aanay fursad u heli doonin halka ilo wareedyo u dhuun daloola qorshaha Isku shaandhayntu hadal hayaan wasaaradda madaxtooyadda in la gayn doono guddoomiyihii ururkii Rays Xasan Gaafaadhi.

Cali warancade oo muddo kooban joogay jagada wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland ayaa lagu dhaliilayaa in hawlihii loo igmaday uu kaga mashquulay saaxiibadiisii ay isku xirfada NSS-ta ahaayeen isla markaana ay ka soo wada talin jireen xisbigii UDUB ee ay Kulmiye sida wayn isaga soo horjeedeen, kuwaas oo Gurigiisa ka dhigtay Marfish ay ku Ururaan.

Ilo wareedyo u dhuun daloola Xukuumadda ayaa sheegaya in isbedelo kala duwani ku soo fool leeyihiin Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye, kuwaas oo aan la saadaalin karayn Natiijada ka soo bixi doonta.

 

xuseen xarbi

MAANTASOMALILAND

E/MAIL/harbi_31@hotmail.com

TEL 0634052413

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com