Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Labada Xisbi Mucaarid ee UCID iyo Waddani ayaa dhaliil u soo jeediyay sharci darona ku tilmaamay Mudo kordhinta 2da Sano ah ee uu Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siillaanyo u sameeyay Guddida Diwaangelinta ururadda Siyaasadda iyo Axsaabta qaranka oo ay sheegeen in aanay wax wada shaqayn ah la yeelandoonin hadii ay Xafiiska sii joogaan.

 

labada xisbi

 

Xisbiyadda Mucaaridka Ah Ee Somaliland  Oo Si Wada Jir Ah U Canbaareeyay Muddo Kordhinta Madaxweynahu U Sameeyay Guddida Dawaangelinta Ururadda  Siyaasadda Iyo Axsaabta Qaranka

(MAANTASOMALILAND)Labada Xisbi  Mucaarid   ee UCID iyo Waddani  ayaa dhaliil u soo jeediyay sharci darona ku tilmaamay  Mudo kordhinta 2da Sano ah ee uu Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Siillaanyo u sameeyay Guddida Diwaangelinta  ururadda Siyaasadda iyo Axsaabta qaranka oo ay sheegeen in aanay wax wada shaqayn ah la yeelandoonin hadii ay Xafiiska sii joogaan.

Shir Jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu Wada Qabteen labada Xisbi Mucaarid ee UCID iyo Waddani xarunta dhexe ee Xisbiga UCID ayaa ay ku Canbaareeyeen Mudo kordhintii uu Madaxweynahu  Labada Sano u kordhiyay Guddida Diwaangelinta ururaddii Siyaasadda ee golaha Wakiiladdu dhawaan ku daray Hay’addaha Sharci darada ah ee Wakhtigoodu dhamaaday,waxanay waxana labada Guddi hoosaad ee Isku Xidhka labada Xisbi ee UCID iyo Waddani oo iyagu ahaa kuwa Shirka Jaraa’id qabtay waxa ka mid ahaa  Guddoomiyaha Xigeenka 3aad ee Xisbiga UCID  Muj: Cali Yuusuf (Cali Gurey) Guddoomiye Ku Xigeenka Saddexaad  Xisbiga Waddani Xasan Xuseen Cod yare, Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga UCID Yuusuf Kayse Cabdilaahi iyo Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Maxamed Xassan Dirir iyo Masuuliyiin kale oo labad Xisbi Mucaarid ee UCID iyo Waddani ka tirsan .

“Waxa ay labada Xisbi Mucaarid ee Waddani iyo UCID Shirkan Jaraa’id maanta(shalay) u qabteen in aanu kaga hadalo nimanka la yidhi waxa aad tihiin Guddida Diwaangalinta oo Xilkii ayaa loo kordhiyay waxa weeyaan arintaasi sharciga ayay baal marsan tahay,run ayaynu isku sheegaynaa waxa weeyaan nimankan sharcigoodu Bishan-4-dii ayuu dhamaaday waxana weeyaan Nimankani suuqa ayay iska joogeen oo Sharciguna waxa uu dhigayaa in laga bilaabo Maalintii Maxkamaddu dhaarisay oo mudo laba sano ah ayaa uu Xilku kaga dhamaanayaa”

“Waxana weeyaan Saddex iyo Tobankii Bisha uu Madaxweynahu yidhi Wakhtigii  ayaan u kordhiyay oo waxa weeyaan Nin Suuqa jooga ayuu u kordhiyay ,waxa weeyaan  Sharciyan Mudo kordhintaasi waa khalad waayo gabi ahaanba Shaqadii dibada ayay uga baxeen oo xata Miisaaniyaddii Baarlamaanku way ka joojiyeen waxana ay ahayd oo la sugaayay in Xafiiskaasi shaqadiisi dhamaatay oo wax aliyaala wax looga baahan yahay in aanay jirin oo in ay Xafiiskoodu hawlahii uu hayay ay ku wareejiyaan Koomishanka qaranka ayuunba la filaayay marka waxa aanu leenahay adeer anagu ka Axsaab Mucaarid ahaan ma ogolin mana aqblayno ee hadii uu Madaxweynahu doonayo in uu shaqo u siiyo adeer Wasiiro haw magacaabo”

 

Guddoomiyaha Xigeenka 3aad ee Xisbiga UCID  Muj: Cali Yuusuf (Cali Gurey)  oo isna  halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxa weeyaan waxa dhamaaday gabi ahaanba oo meesha ka baxay  Guddida Diwaangelinta  ururadda Siyaasadda iyo Axsaabta qaranka Sharcigoodii ay ku shaqaynaayeen ee golaha Baarlamaanka horyaalay ,waxana si toos ah sida uu Xeerku u qoraayaa waxa ay shaqadoodii iyo hawlahoodii  ay hayeen   uu  ugu  wareegayaa Guddida Koomishanka  Doorashooyinka  Qaranka,waanad ogaydeen oo maalin dhawayd waxa uu wakhtigoodu dhacay Guddidan ururadda anaga oo ishaysana  waxa aanu isku haysanayna waxa  uu ahaa  wax Cad oo Sharci ah oo marka laga eego xaga Sharciga UCID iyo xaga Xeerka Guddida  ee Xeer Number 14 ,hadii aan ku horeeyo Xeerka u yaala Xisbiga UCID waxa uu odhanayaa hadii uu Masuulka tirsan Xisbigu uu u Ololeeyo Xisbi kale Xubinimadii Xisbiga Ucid wuu waayayaa,Ilaahaybaan idinku dhaariyee Maayarka Magaaladda Berberi (Cabdishakuur Cidin) miyaanu si cad ugu ololayn Xisiga Kulmiye dee jawaabtu waa haa,sido kale  Xeer Numper 14 sidaas oo kale ayuu odhanayaa qobinta Xisbi ka tirsan ee mid kale u Olalaysa wuu waayayaa Xubinimada Xisbiga”

Mj Cali  Maxamed Yuusuf  (Cali Gurey) waxa uu intaasi raaciyay“Kolka waxa aan leeyahay adeer hadii Baarlamaanku dib u soo caliyo oo sharci kale loo sameeyo waa halkeeda ,hadii ay leeyihiin Digreeto uu Madaxweynahu Guddidan wax ugu kordhiyay ma  burinaysaa Sharciga Baarlamaanka taasina waa arin kale,waxa aad iga qoraysan halkaas ayay Mushahaarka ku qaadandoonaan (Guddidan Diwaangelinta ururadda ee wakhtiga loo kordhiyay) oo iyaga iyo Hay’addo kale oo maalin dhawayd Xisbiga Waddani ka hadlayay oo aan Barlamaanku aqoonsanayn waxa weeyaan dhul dad layska geeyaya oo lagu naasnuujinaayo,waxa weeye  labadan Xusbi isku mawqaf weeye  kolka waxa weeye  waxba anaga naga qaadimaysaan la shaqayn mayno  ma Ixtiraamayno oo ma jiro kolka hadii uu niman meel iska fadhiya Mushahaar u sameeyay anagu ma aqbalayno”

XUSEEN XARBI

MAANTASOMALILAND.COM

TEL/0634O52413

EMAIL/HARBI_31@HOTMAIL.COM

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com