Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Mamnuucida E-passport-ka Somaaliya oo Xayiray Safaarada Ethoipia ee Puntland oo Hargeysa u soo Guurtay iyo Laanta Socdaalka oo Fuliyay Amarkii Waran-cadde

Mamnuucida E-passport-ka Somaaliya oo Xayiray Safaarada Ethoipia ee Puntland oo Hargeysa u soo Guurtay iyo Laanta Socdaalka oo Fuliyay Amarkii Waran-cadde

 “dadka sita E-passports-ka waxaanu kaga reebnaa Madaarka,waanan fulinaynaa go’aanka wasaarrada arrimaha Gudaha” Gaashaanle sare Maxamed Cambarro.

“waxaanu ka cabsi qabnaa in xadhig naloo geysto hadii aanu Baasboorka Somaliya fiiseyaal ugu soo doonano Hargeysa”Cabdiqani Cismaan oo Garoowe Jooga.

itobiyaHargeysa(MAANTASOMALILAND)-Saraakiisha Laanta Socdaalka Somaliland ayaa sheegay inay fuliyeen Go’aan dhawaan Wasaaradda arrimaha Gudaha Somaliland ku madnuucday Passport-ka Somaali, kaasoo todobaadkii hore Wasiirka Daakhiliga Somaliland ku dhawaaqay inaanay u aqoonsanayn sharci, dalkana lagu soo geli Karin.

Taliyaha laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle Sare Maxamed Cali Yuusuf ayaa Gobanimonews u sheegay inay sidiisa u fulinayaan go’aankaasi, inkasta oo aanu sheegin cid ilaa hada lagu qabtay ama lagu xidhay Sharcigaasi iyadoo dalka la soo gelaysa.

Taliyaha ayaa sheegay in qofka ka soo dega Madaaradda Somaliland ee Baasboorkaasi wata lagaga reebayo Xafiiska Laanta goobta dalka laga soo gelayo “Baasboorka Somaliya go’aankii Wasaaradda Arrimaha Guduhu ka qaadatay ayaanu ka joognaa, oo aanu fulinaynaa,waxaana  dalka lagu soo geli karaa lagagana bixi karaa Baasboorka Somaliland iyo kuwa kale ee Ajaanibka ah ee aanu aqoonsanahay ”ayuu u sheegay Gobanimimonews.

Waxaanu intaasi ku daray “ma jirto ilaa hada cid la qabtay ama lagu xidhay, balse Dadka Baasboorka Somaliya sita ee Madaarada ka soo dega ee dalka  yimaada waxaanu kaga qaadaynaa madaarka oo aanu kaga reebnaa, waxaanan siinaa marka ay noqonayaan”.

Maxamed Cali Yuusuf waxa ku dooday inay ujeedadu in gudaha dalka lagu isticmaalo Baasboorka Somaliya ee E-passports, waxaanu yidhi. “ waxaanan ka joojinay inay gudaha dalka la soo galaan oo ku isticmaalaan”.

Go’aanka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland, ayaa sameeyay shaqada Xafiiska Fiiseyaasha Dawlada Ethiopia ee Puntland oo dhawaan u soo guuray Magaalada Hargeysa, kaasoo dadkii uu adeegi lahaa ku xanibanyihiin Deegaamada Puntland, isla markaana hadii Hargeysa looga fiiseeyo ay ku adkaanayso inay dalka kala baxaan ama cabsi badan soo waajahday.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xafiisyada Xidhiidhka Ganacsi dawladda Itoobiya ee Somaliland iyo Puntland oo Hargeysa ku mataanoonay todobaadkii hore balse qaar ka mid ah dadka reer Puntland ee arrintaasi ugu cadilan Garoowe ayaa Gobanimonews u sheegay inay ka cabsi qabaan in Baasboorka lagaga qaado Somaliland ama xadhig ay kala kulmaan qaadashadiisa.

“walaahi dad badan oo u xayiran Fiiseyaasha ayaa garoowe jooga,waxaanay ka cabsi qabaan in lagu qabsado oo xadhig ama dhibaato kale loo geysto” ayuu Gobanimonews u sheegay Cabdiqani Cismaan oo ka mid ah tiro dad ah oo go’aanka Somaliland saameyn ku yeeshay safar ay ku tegi lahaayeen Dalka Itoobiya.

Dhinaca kale Taliyaha Laanta Socdaalka Somaliland Gaashaanle sare Maxamed Cali Yuusuf (ina Cambaro) oo MAANTASOMALILAND wax ka waydiisay inay wax qorshe ah oo gaar ah u samaynayaan dadka Fiisaha u soo doonanaya Xafiiska Itoobiya ee Hargeysa u soo guuray, ayaa sheegay inaanay dawlad ahaan waxba ka khusayn fiiseyaasha uu bixinayo Xafiiska Itoobiya iyo noocyada Passports-ka ay ku bixinayaan, balse ta kaliya ee khusaysaa ay tahay inaanay ogolayn in dalkooda lagaga baxo Passport-ka Somaaliya ee cusub.

“Safaaradda Itoobiya  iyadaa og meesha ay ku bixinayso Fiisayaasheeda , iyadaana ciday doonto siisa ciday doontana u diida, laakiinse Passport-ka somaliya wuxuu noola mid yahay Passport-da ajaanibka ah ee ay qaarna fiisayso,kuwana u diido fiisaha”.

Taliyaha Socdaalka Somaliland waxa kale oo aanu wax ka waydiinay fal la xidhiidha dad shalay lagu qabtay Madaarka Hargeysa oo lagu tuhunsanyahay inay qof yar oo caruur ah oo la socday ay soo xadeen.

“arrintaa Lix qof ayaa lagu qabtay oo la rumaysanyahay inaanay ab iyo Isir toona isu lahayn Ilmaha lagu qabtay, waxaana socda baadhis oo gadaal ayaanu faahfaahin ka bixin karnaa, C.I.D-da ayaana gacanta ku haysa oo baadhaysa”.

Waxa uu sheegay inaanay  ilaa hada Hay’adaha baadhistu helin cid sheegatay Cunuga yare e dadkaasi lagu qabtay, waliba baadhis lagu hayo dadka lagu qabtay Ilmahaasi yar oo uu tiradooda ku sheegay 6 Ruux, waxaanu yidhi “Wali ma hayno waalidkii dhalay iyo cid sheegata laakiinse wali baadhisbaa socota”.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com