Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xaalad Deg Deg Ah Oo Laga Dhawaaqay Gobolka New South Wales Ee Dalka Australia Oo Dab Aad U Xumi Ka Holcayo.

Australia(MSL)Xaalad deg deg ah ayaa lagaga dhawaaqay gobolka New South Wales ee ee dalka Australia, halkaas oo dabdamiyaashu ay la halgamayaan dab aad u xoog badan oo ka kaymaha ka holcaya, iyagoo isku diyaarinaya inay xaalada oo ka sii dari karta.

Ku dhawaaqida xaalada deg dega ayaa awood siinaysa masuuliyiinta si ay ugu qasbaan dadka inay guryahooda ka baxaan ayna damiyaan korontada hadii loo baahdo,si anuu dabku isugu badelin mid koronto oo hadii ay labadaasi isku darsamaan dhibaato tan ka baaxad badan keeni kara.

Saadaasha cimilada ayaa sheegaysa in kulayl aad u heer sareeya iyo dabaylo, taasoo la filayo inay sii holciyaan dabka maalmaha soo socda,dabkii ugu xumaa gobolka toban sano ayaa wuxuu baabi’iyay in kabadan laba boqol oo guri, ayadoo uu wali sii holcayo dabkii ka kacay kaymaha aadka u cufan eek u yaalla dalkaasi,sanad kasta waxa kaymaha dalkaasi Australia ka kaca dab kan la mid ah kaas oo loo aneeyo kulaylaha aadka u heer sareeya ee dalkaasi ka dhaca.

Xuseen Xarbi
maantasomaliland
Hargeysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com