Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Sarkaalkii Ugu Sareeyay Ciidanka Booliska Gobolka Todheer Oo Wadne Istaag U Geeriyooday.

Burco(MSL)Waxa Xalay Magaaalada Burco ku Geeriyooday Alle How Naxaristee Kornayl Marxuum Cilmi Ibraahin Xuseen oo ahaa Sarkaalkii ugu sareeyay Ciidanka Booliska Gobolka Togdheer.

Marxuumka ayaa Geeriyooday xalay ka dib markii uu Wadnuhu istaagay isagoo jooga Gurigiisa oo u dhaw Qaybta Booliska ee Magaalada Burco, sida uu nooxaqiijiyey  Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Togdheer Axmed Ilka Case.

Saraakiisha Boolisku waxay xaqiijiyeen inaanu wax xanuun ah oo hore qabin, inta la ogyahay, ama aanu u jiifi,balse ay tahay arrin ku soo booday uun marxuumka,Taliyaha qaybta Bilayska Gobolka Axmed Ilka case waxa uu Tacsi u diray Ehelada Marxuumka iyo dhamaan qaranka Somaliland ee uu ka baxay,waxaanu ilaahay uga baryay inuu Naxariistii Janada ka waraabiyo.

Sarkaalka geeriyooday, ayaa muddo dheer ku soo jiray hawsha Ciidanka Bilayska ilaa xiligii Dawladdi somaliya, waxaanu sanadkan qaatay Derejada Konerayl oo uu ugu sareeyay Ciidanka Bilayska ee Gobolka.

 

Xuseen Xarbi

Maantasomaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com