Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleeban Xaglo-toosiye Gaadhay Magalada Laaascaanood Ee Xarunta Gobolka Sool.

Laascaanood(MSL)Wasiirka wasaaradda caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Ciise Axmed ayaa maanta socdaal shaqo ku tegay Gobolka Sool ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey magaalada Laascaanood, waxana uu dhagax dhigay dhisme cusub oo uu yeelan doono Mac-hadka caafimaadka ee Gobolkaasi.

Wasiirku waxa uu kulan la qaatay maamulka gobolka iyo ka degmada Laascaanood isagoo kormeer ku soo maray, xarunta dawladda hoose, dhismaha cusub ee Xukuumadda Somaliland u dhistay jaamacadda Nugaal, cisbitaalka guud ee laascaanood, iyo xarumaha kale ee caafimaad ee halkaasi ku yaalla isagoo warbixino ka dhegaystay masuuliyiinta iyo hawlwadeenada ka hawlgala goobahaasi.

Munaasabadda uu Wasiirka caafimaadku ku dhagax dhigayey dhismaha mac-hadka caafimaad ee magaalada laascaanood waxaa goob joog ka ahaa Badhasaabka gobolka Sool Md. Maxamed Faarax Aadan, mayorka magaalada laascaanood C/qaadir jaamac Saalax, saraakiisha ciidamada, waxgarad ka tirsan dadweynaha deegaanka iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Gobolka Sool.

 

 

 

 

Xuseen Xarbi

maantasomaliland

Hargeysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com