Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Kulmiye iyo Hogaanka Kulmiye kulayaa manta yeeshay laba kulan oo laba goobood ka kala dhacay kuwaas oo ku dhamaaday Golaaftan iyo Hanjabaad kooxiba Nidar ku martay awooda maamul ee shirweynuhu inay teeda u dhici doonto.

Wasiiradda Xukuumadda talada haysa ee Somaliland oo dhamaantood ka soo jeeda Xisbiga (MSL)Kulmiye iyo Hogaanka Kulmiye kulayaa manta yeeshay laba kulan oo laba goobood ka kala dhacay kuwaas oo ku dhamaaday Golaaftan iyo Hanjabaad kooxiba Nidar ku martay awooda maamul ee shirweynuhu inay teeda u dhici doonto.

Labadan kulan ayaa la sheegay midkood inuu ka dhacay Xarunta Guud ee Xisbiga Kulmiye oo koox gaadhaysa Illaa Lix wasiir ugu tagtay sadex ka mid ah hogaanka Xisbiga Kulmiye, kuwaas oo kala ahaa dhinaca Wasiiradda Wasiirka Ciyaaraha, Gaashaandhiga, Cadaladda, iyo sadex Wasiir oo kale. Halka Hogaanka Xisiga Kulmiye ay ka mid ahaayeen Muuse Biixi, Maxamed Kaahin Axmed iyo Jaamaca Shabeel.

Kulankan ayaa la sheegay in maryo dhiig leh labada dhinac ku kala furteen isla markaana aakhirkii ku dhamaaday maahmaahda Somaliyeed ee ‘Ninkii Rooni Reerka ha u hadho’, taasoo sii cakirtay in labada dhinac meel dhexe isugu keenaan af-kaarta ay kala aaminsan yihiin.

Kulanka labaad ee ay wasiiradda iyo Hogaanka Kulmiye Fooda isku dareen ayaa ahaa Casuumad ay ka soo qayb galeen ugu yaraan Boqol siyaasi oo ka socday Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye taasoo loo sameeyay Maxamuud X Nuur oo ah Dublamaasi ka soo shaqeeyay Dawladdii Somaliya isla markaana maalmihii ugu danbeeyay ku sugnaa Hargeysa.

Labadan kulan ayaa u muuqda kuwo ka soo hor maray balantii labada Garab u balameen In ay salaasadda isku soo noqdaan si ay markale kulan uga yeeshaan qoddobada ay isku diidan yihiin ee aasaaska u ah qabsoomida Shirweynaha Xisbiga Kulmiye, waxaanay horseedayaan labadan kulan Loolan in dooda u dhaxaysaa sii adkaan doonto.

Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo ka tirsan Xisbiga Kulmiye oo Waaheen uga waramay dhacdooyinkii u danbeeyay ee dhex maray Hogaanka iyo Guddida Fulinta ayaa sheegay in ay ahaayeen kuwo gar-daro ah isla markaana Hogaanka xisbiga Kulmiye Koox Wasiiro ahi ku soo faragalinayso shaqadoodii waxaanu sheegay Hogaanka la soo weeraray in hore looga qadiyay Xukuumadda sidaas daraadeed aanay Hbaoonayn in manta lagu soo doontaa.

Hase yeeshee dhinaca kale ee ka soo hor-jeeda ayaa iyana ku doodaya in Xisbiga iyo Xukuumaddu yihiin Ul iyo Diirkeed koox sheegan kartaana aanay jirin wixi khilaaf ah ee yimaadana loo baahan yahay in sharciyadda lagu kala baxo.

Si kasta ha ahaatee Xisbiga Kulimye iyo Xukuumadda ayaa aad ugu sii kala fogaanaya Loolankan waxaanay u muuqdaan in ay ku kala dhaqaaqi doonaan haddii aanay caqliga ka shaqaysiin.

xuseen xarbimaantasomaliland

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com