Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Labo gool uu dhaliyay Cristiano Ronaldo oo midi ay rigoore aheyd ayaa ka caawisay Real Madrid inay 2-1 kaga badiyaan Juventus oo marti ku aheyd Santiago Bernabeu

1382556942606_lc_galleryImage_Real_Madrid_s_Cristiano_R

(MAANTASOMALILAND)Labo gool uu dhaliyay Cristiano Ronaldo oo midi ay rigoore aheyd ayaa ka caawisay Real Madrid inay 2-1 kaga badiyaan Juventus oo marti ku aheyd Santiago Bernabeu, iyadoo kooxda ka dhisan Serie A ay 10 ciyaaryahan ku ciyaareysay inta badan qeybtii labaad ee ciyaarta ka dib casaan uu ka qaatay Cheillini.

Real Madrid ayay ku qaadatay kaliya afar daqiiqo inay hogaanka u qabato ciyaarta markii Angel Di Maria uu kubad u dhex bixiyay Ronaldo oo ka baxsaday tabinta offside-ka islamarkaana kubada la maray Buffon ka hor inta uusan shabaqa faaruq ah kubada dhex dhigin.

Juventus ayaase ciyaarta ku soo laabatay oo heshay goolka barbaraha daqiiqadii 22aad markii kubad karoos uu keenay Caceres uu madax ku soo celiyay Paul Pogba, waxaana kubada badbaadiyay Casillas, laakiin kubadii soo noqotay waxaa shabaqa ku hubsaday Fernando Llorente.

Goolkaas uu dhaliyay Fernando Llorente ayaana ahaa goolkiisii ugu horeysay uu abid ka dhaliyo Champions League, madaama uusan waligiis u ciyaarin Champions League kooxda Athletic Bilbao.

Bianconeri ayaana u muuqatay mid ciyaar fiican soo bandhigeysa ilaa iyo daqiiqadii 27aad markaasoo gool rigoore ah oo laga dhigay, inkastoo kubada uu qabsaday Buffon, laakiin Chiellini ayaa dhulka dhigay Sergio Ramos.

Waxaa rigoorada u soo joogsaday Cristiano Ronaldo kaasoo ku guuleystay inuu gool u sarifo taasoo u sahashay in Real Madrid ay hogaanka ku soo laabato.

 

 

Goolkaas ayaana ahaa goolkii 7aad ee uu Ronaldo ka dhaliyo xilli ciyaareedkan Champions League, waana ciyaaryahanka labaad ee seddexda kulan ee ugu horeysa Champions League dhaliya 7 gool si la mid ah Inzhagi.

Qeybtii hore ayaana lagu ala maray 2-1 oo ay hogaanka ku heysay kooxda Juventus, waxaana qeybtii labaad afar daqiiqo markii ay socotay ay Juventus noqotay 10 ciyaaryahan ka dib markii casaan muran weyn uu ku jiro laga siiyay Chiellini kaasoo lagu eedeeyay inuu xusul ku dhuftay Ronaldo intii ay kubada ku xariitamayeen, laakiin ku celiskii la daawaday ayaa muujinayay in Ronaldo uu wax weyn ka dhigay arinta.

Saacad markii ay socotay ciyaarta ayaa Real ay soo martay fursad gool loo fishay iyadoo Karim Bemzema uu ka qasaariyay kubad uu ku helay goolka hortiisa oo weliba u banaan ka dib kubad uu u soo dhigay Arbeloa.

Waxaana ay ciyaarta ku soo dhamaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday Real Madrid oo haatan leh sagaal dhibcood ka dib markii ay badiyeen seddexdii kulan ee ay soo ciyaareen ilaa iyo haatan.

Galatasaray ayaana hataan soo gashay kaalinta labaad ee Group B ka dib markii ay 3-1 kaga badiyeen FC Copenhagen, iyagoo goolasha uga mahadcelinaya Felipe Melo, Didier Drogba iyo Wesley Sneijder, waxaana ay leeyuhiin 4 dhibcood, halka Juventus ay u dhacday kaalinta 3aad iyagoo leh labo dhibcood.

XUSEEN XARBI

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com