Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Madaxweynaha Somaliland oo Cafis u Fidiyay Jaamac Sifir

Hargeysa ()- War-saxaafadeed uu maanta soo saaray Af-hayeenka madaxtooyada Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayuu ku sheegay in Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) uu cafis Madaxweyne u fidiyay Jaamac Maxamuud Sifir.

qoraalka warsaxaafadeedkaasi u dhignaa sedan:-“Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), waxa uu Maanta soo saaray Digreeto Madaxweyne oo uu Cafis ugu fidiyey Muwaadinka Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir), ka dib markii uu Tix-geliyey Codsiga Muwaadinka oo arjigiisa ku cadeeyey inuu yahay muwaadan u hogaansan oo Aaminsan Qaran-nimada iyo Jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland.
Waxaanu Madaxweynuhu Digreetadiisa ku yidhi Sidan:-
Markaan Arkay: Qodobka 90aad xubintiisa 5aad ee Dstuurka JSL.
Markaan La Tashaday: Tallooyinka Masuuliyiinta ay Arrintani khusayso.
Markaan Arkay: Qodobka 149aad ee Xeerka Ciqaabta Guud.
Waxaan Go’aansaday:-
In laga bilaabo taariikhda manta aan cafis gaar ahaaneed u fidiyo Maxamuud Cabdilaahi Jaamac (Sifir). Oo Qaran-nimada Somaliland ka soo hor-jeeday in muddo ah.”
Dhinaca kale, Mr. Sifir wuxuu xilal Wasiirnimo iyo Raysul wasaare Ku Xigeen ka soo qabtay dawladii imbegaati lagu soo dhisay ee Cabdilaahi Yuusuf, iyadoo uu jiray sharci ay soo saareen Goleyaasha Baarlamaanku oo dadka Somaliland u dhashay ee ka qeyb gala shirarka Soomaaliya ka dhigaya inay ku kaceen dambi ah khiyaamo qaran.

Xuseen Xarbi

Hargeysa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com