Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Tababaraha Tottenham Andre Villas-Boas ayaa aaminsan in luqada Ingariiska ay dhibaato ku tahay xiddiga ugu qaalisan kooxda Erik Lamela islamarkaana ay HOOS UDHIGTO SUMCADIISA CIYAAREED

article-0-18F61B6900000578-131_634x471

(MSL)Tababaraha Tottenham Andre Villas-Boas ayaa aaminsan in luqada Ingariiska ay dhibaato ku tahay xiddiga ugu qaalisan kooxda Erik Lamela islamarkaana ay  HOOS UDHIGTO SUMCADIISA CIYAAREED

21 jirkaan reer Argentina ayaa xagaagii uga soo biiray Tottenhan kooxda Roma isagoo ku yimid heshiis ku dhow 30 milyan ginni, welina kuma soo bilaabanin kulan Premier League ah.

Lamela ayaa ahaa bedel aan la isticmaalin kulankii shalayto ay 1-0 kaga badiyeen Hull City, waxaana weeraryahankii River Plater uu ciyaarayaa kaliya kulamada Europa League.

Welina goolkiisii ugu horeysay uma uusan dhalinin kooxda, madaama uusan waqti badan ciyaarin.

 

 

Laakiin markii la weydiiyay haddii cadaadiska lacagta lagu soo iibsaday ay saameyn ku yeelaneyso isaga, Villas-Boas ayaa ku jawaabay: “Maya xaqiiqdiii, maya.

“Wax badan ayaa la hadleynaa isaga. Waxaan qabaa inay muhim tahay inuu la qabsado Premier League, laakiin ma uu yaqaano luqada. Soldado waxoogaa ayaa uga bilownaa luqada ka hor inta uusan imaan, sidaasi darteed waa ay fududeyd isaga.

“Laakiin Erik waa ay ku adag tahay waxaana siineynaa caawinaad aad u weyn isaga iyo qoyskiisa” ayuu hadalkiisa raaciyay

XUSEEN XARBI.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com