Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Arrimaha dibadda iiyo Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta Sare oo socdaal shaqo ku jooga dalka Masar

Wasiirka Arrimaha  dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah Md. Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta Sare Marwo Sam-sam  Cabdi Aadan oo socdaal shaqo ku jooga dalka  Masar, ayaa kulan la yeeshay  ardayda reer Somaliland ee wax ka barta dalkaas.

Weftigu waxay ardayda uga xog warameen ujeedada socdaalkooda oo ay ku sheegeen inuu xidhiidh la leeyahay sidii loo sii adkayn lahaa wax wada qabsiga labada dal Somaliland iyo Masar.

Wasiirka Arrimaha Dibadda  Maxamed Biixi Yoonis ayaa ardayda uga xog waramay wada hadaladii Somaliland iyo Soomaaliya oo uu sheegay in dalka Soomaaliya cagta jiidayo, isagoo intaas ku daray inay si cad ugu sheegayaan Soomaaliya in aanu gooni isku taaga Somaliland  AANU AHAYN MID laga noqon doono.

XUSEEN XARBI

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com