Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Hargeisa(MAANTASOMALILAND) Qaar ka mid ah Guddida qaban qaabada shirweynaha Xisbiga Kulmiye ayaa kulan ay goor dhaweyd magaaladda hargeysa ku yeesheen ku doortay hogaanka Rasmiga ah ee hogaamin doona hawlaha qaban qaabada kuwaas oo kala ah

 

Hargeisa(MAANTASOMALILAND) XUBNO ka mid ah Guddida qaban qaabada shirweynaha Xisbiga Kulmiye ayaa kulan ay goor dhaweyd magaaladda hargeysa ku yeesheen ku doortay hogaanka Rasmiga ah ee hogaamin doona hawlaha qaban qaabada kuwaas oo kala ah: Guddoomiye, ku-xigeen, Xoghaye iyo Af-hayeen.
Guddidi waxay Guddoomiye u doorteen Abuubakar Xaamud Jibriil, Guddoomiye, ku-xigeen Xildhibaan Saleebaan Cabdi Cali Bukhaari, Xoghaye C/raxmaan Maxamuud Caraale halka Af-hayeen loo doortay Sahal Maxamed Jaamac.
Fadhiga lagu doortay xubnahan hogaanka guddida qaban qaabada Shirweynaha oo ay ka soo qayab galeen shan iyo toban Xubnood waxa guddoominayay xubinta ugu da’da weynayd oo ahaa Yuusuf Guruje.
Yuusuf Guruje ayaa xaadiriyay xubnaha u tartamayay jagooyinka waxaanu cod gacan taag ah galiyay doorashadooda iyadoo mid mid loogu codeeyey afar iyo toban xubnood.
Xubnaha la doortay ayaa ku guulaystay aqlabiyadda codadkii shan iyo tobanka ahaa iyada oo aanu marna Guddoomiye Guruje codaynin waxaanu mid kastaa ku Ansaxay sidaasi.
Guddoomiyaha la doortay Abuubakar Xaamud Jibriil ayaa isla goobtii ka hadlay waxaanu mahadnaq balaadhan ujeediyey xubnihii ka soo qayb galay fadhiga lagu doortay xubnaha hogaanka ah isagoo balan qaaday xilka loo dhiibay in ay uga soo bixi doonaan sida ugu haboon SIDA AY SHEEGEEN.

MAANTASOMALILANAD

HARGAYSA /OFFICE

 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com