Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Luis Suarez ayaa shaacataageero uu ka helay jamaahiirta Liverpool iyo kabtanka kooxda Steven Gerrard inay ka dhaadhicisay inuu sii joogo Anfield ka qaaday in .

Luis Suarez: Gerrard Iyo Jamaahiirta Liverpool Ayaa Iga Dhaadhiciyay Inaan Kooxda Sii Joogo.

 

335371_heroa

Luis Suarez ayaa shaacataageero uu ka helay jamaahiirta Liverpool iyo kabtanka kooxda Steven Gerrard inay ka dhaadhicisay inuu sii joogo Anfield ka qaaday in .

Xiddiga reer Uruguay ayaa ku qarashgareeyay inta badan xagaagii inuu helo wadadii uu uga bixi lahaa Merseyside, iyadoo kooxda ay la ciyaarayaan berri ee Arsenal ay aheyd kooxdii ugu badneyd ee baadigoobeysay.

Laakiin isagoo lagu qasbay inuu sii joogo kooxda, Suarez ayaa ku soo laabtay Liverpool isagoo shartiisa wata, waxaana uu dhaliyay lix gool shan kulan uu ciyaaray oo ay ku jirto seddexleydii uu ka dhaliyay West Brom sabtidii hore.

“Steve [Gerrard] ayaa wax badan ila hadlay, waxa uu i siiyay talo, waxaana uu ii sheegayay wixii aan u baahnaa inaan maqlo” ayuu Suarez u sheegay Sport 890.

 

 

“Markii aan kooxda gaar ka ahaa waxa uu ii sheegay inuusan jecleysan taas, islamarkaana uu doonayo inaan mar kale kooxda tababar la qaato. Maanta waxaan si aad ah u dareemayaa taageerada asxaabteyda kooxda.

“Taageerada jamaahiirta iyadana sidoo kale muhim weyn ayay aheyd. Waxaan mar walba iska marayay wadooyinka anigoon dhibaato la kulmin. Marnba la iima hanjabin ama wax la mid ah, waa sheeko la iska sameystay. Dadka waxa ay ii sheegeen inaan sii joogo.

“Si aad ah ayaan ugu shaqeeyaa Liverpool, mar walbana waan uga mahdin doonaa

maantasomalland

hargaysa

xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com