Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Xiddiga khadka dhexe ee xulka Ghana ayaa beeniyay in wax dhibaato ah ay kala dhaxayso macalinkiisa Mourinho sida ay shaacinayeen warbaahinta maalmihii u danbaysay inuu dhib kala dhaxeeyo macalinkiisa kadib markii laga wayay Line upka kooxda Chelsea kulamada Premier League.

essien490ai_2

(MAANTASOMALILAND)Xiddiga khadka dhexe ee xulka Ghana ayaa beeniyay in wax dhibaato ah ay kala dhaxayso macalinkiisa Mourinho sida ay shaacinayeen warbaahinta maalmihii u danbaysay inuu dhib kala dhaxeeyo macalinkiisa kadib markii laga wayay Line upka kooxda Chelsea kulamada Premier League.

Essien oo 30 jir ah ayaa ilaashanaya xiriirkiisa adag ee kala dhaxeeya Mourinho mana ka xuma inuusan si joogto ah u ciyaareynin sida dadka qaar ay u maleynayaan.

Xidigaan ayaa hal sano amaah ah kula joogay kooxda Real Madrid xili ciyaareedkii hore isagoon wax kula guulaysan waqtigaas, markii uu u soo labtay Chelsea ma uusan ciyaarin kulamo badan waxaana yaraaday ka qeyb qadashadiisa kulamada Capital One Cupka.

Essien ayaa sheegay in laacib kasto uu fariisan karo kursiga kaydka isagoo yiri: “Kama walwalsani inaan fadhiyo kursigakaydka kooxda Chelsea.” ayuu yiri Essien oo u hadlayay idaacad ka howlgasha wadankiisa oo uu 19ka bishaan la ciyaarayaan Masar Isreebreebka Koobka Adduunka.

 

“Waxaan ka mid ahay laacibiinta khibrada leh, waan si iwadayaa wada shaqeynta asxabtayda si adagna waan u tababaranayaa waxaana rajaynaa in fursadayda imaato oo an kubilowdo kulamada kooxda.”

Wuxuuna hadalkiisa ku soo gabagabeeyay: “Xiriirka igala dhaxeeyo Mourinho waa wanaagsan yahay, waa abahay oo kale sidii an horay u sheegay, wax dhib ahna nama dhexyalaan, wixii laga dhahay inuu ii diiday inaan uciyaaro xulka qarankana waa waxbo kama jiraan… Mourinho waligeey igama codsan inan kafariisto xulka qaranka.”

Sikastoy ahaataba macalinka Ghana ayaa kudaray 25ka laacib ee usafraya qahira 19 bishaan si ay usoo ciyaaran kulanka lugta labaad ee isreereebka koobka aduunka 2014.

XUSEEN XARBI

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com