Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Koobka adduunka ee loo diyaar garoobaayo inuu ka furmo Brazil ayaa waayi doona shan ciyaaryahan oo muhiim u ah kooxahooda, waxaana dadka dhan ay wada sugayaan yaa noqon doona kan lixaad marka ay wada kulmaan Ronaldo iyo Ibrahimovic, kuwaasoo xulalkooda ay wada ciyaari doonaan kulan ka mid ah kulamada Play offka Koobka Adduunka loogu soo baxaayo.

 

1121992-17713386-640-360

Koobka adduunka ee loo diyaar garoobaayo inuu ka furmo Brazil ayaa waayi doona shan ciyaaryahan oo muhiim u ah kooxahooda, waxaana dadka dhan ay wada sugayaan yaa noqon doona kan lixaad marka ay wada kulmaan Ronaldo iyo Ibrahimovic, kuwaasoo xulalkooda ay wada ciyaari doonaan kulan ka mid ah kulamada Play offka Koobka Adduunka loogu soo baxaayo.

Waxaadna moodaa qofkasta inuu dareemaayo niyadxumo madaama Koobka Adduunka laga wayn doono mid ka mid ah 2daan xidig oo ay u saaran tahay xilli ciyaareedkaan.

Hadaba waxaan eegaynaa 5 ciyaaryahan oo dadka aysan ku baraarugsaneen balse Koobka Adduunka uu tabi doono:

1-Robert Lewandowski:

Uma suurtogalin weeraryahanka caanka ah ee kooxda Borussia Dortmund inuu kasoo muuqdo Koobka Adduunka ee Brazil 2014 lagu qaban doono kadib markii uu xulkiisa kasoo bixi wayay Groupkooda H oo ay kula jireen xulalka (England, Ukrain, Montenegro, Moldova iyo San Marino).

Poland 10 kulan oo ay ciyaartay waxay aruursadeen 13 dhibcood 3guul iyo 4 barbardhac iyagoona dhaliyay 3gool oo qura Lewandowski oo kujira xiliciyaareed fiican marka loo fiiriyo kooxdiisa Borussia oo uu 9 gool u dhaliyay horyaalka iyo 3 Championka ah ayaa ka dhigeysa inuu noqdo nin la tabi doono.

2-Gareth Bale:

Ma aysan noqonin mid ku filan 4tii gool ee uu u dhaliyay xulkiisa Wales mid ka caawiya inay garaan Brazil 2014 xitaa kuma guulaysan inuu u soo saaro Play-off taas ayaana kadhigan in 10kii kulan ay ciyaareen ka heleen 10 dhibcood 3guul ah hal bareejo ah iyo 6guuldaro ah.

Ninkaan noqday Xiddiga ugu qaalisan adduunka ayaa u dhaliyay kooxdiisa Real Madrid seddex gool halka uu caawiye ka ahaa shan gool kale, iyo hal gool uu ka dhaliyay Champions League kooxda Juventus.

 

3-Arda Turan:

Xulka Turkiga inkastoo uu bixiyay dadaal dheeraad ah hadana uma suurtogalin inuu kamid ahaado xulalka u soo baxay Koobka Adduunka ee 2014 iyakoo ka galay Groupkooda kalinta afaraad kana hooseyay 3 dhibic xulka Romania waxaana u suurtogashay Turan inuu dhaliyo hal gool intii lagu jiray kulamada isreebreebka Koobka Adduunka wareegiisa gtroup-yada.

Waxaana uu sanadkaan ku qaadanayaa waqti wanaagsan kooxda Atletico Madrid isagoo kooxdiisa ka caawiyay inay soo gaaraan wareega 16ka ee Champions League horyaalkana kaga jira kaalinta 2aad iyagoo ka hooseeya Barca 3 dhibicood oo kaliya.

4-Marek Hamsik:

Kadib markii uu xulkiisa Slovakia soo bandhigay ciiyaaro qurxoon Koobkii Adduunka ee 2010, sanadkaan waxaa ku adkaaday inay us soo baxaan koobka aduunka 2014, laacibkaan kooxdiisa Napoli ku soo bandhigaya ciyaaro la jecleestay sanadkaan ayaa la tabi doonaa marka uu bilowdo koobka aduunka isagoo kooxdiisa u dhaliyay 6 gool oo horyaalka ah iyagoo ku jira kaalinta 3aad kana danbeeya 4dhibic Roma.

5-David Alaba:

Laacibkaan dad badan ay aaminsan yihiin inuu yahay kan ugu fiican garabka bidix ee daafaca ayaa ka mid ah laacibiinta aadka loo tabi doono Koobka Adduunka, isagoo sameeyay wax kasta oo uu ku caawin lahaa xulkiiisa Austria sidii ay uga mid ahaan lahaayeen xulalka tagaya Brazil 2014.

Alaba ayaa waqti fiican la qaadanaya kooxdiisa Bayern Munich iyagoo hogaaminaya horyaalka Germany kana sareeya Borussia 4 dhibic iyagoo sidoo kale u soo gudbay wareega 16ka ee Championka iyagoo wada badiyay dhamaan 4tii kulan ay ciyaareen.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com