Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ronaldo ayaa durbaba dhaliyay 24 gool 17 kulan uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan isagoo ka mid ah dadka ugu cadcad abaalmarinta Ballon d’Or

338854_heroa

(maantasomaliland.com)Jose Mourinho ayaa sheegay inuu tababare Ronaldo inay weli tahay waxa ugu sareeya ee uu gaaro xirfadiisa shaqo ilaa iyo haatan.

Labada nin ayaa isla soo joogay Santiago Bernabeu muddo seddex sanno ah, iyadoo Ronaldo uu waqtigaas dhaliyay 168 gool 164 kulan uu saftay.

Inkastoo labada nin aysan si aad ah isagu fiicneyn waqtigoodii Lois Blancos, hadana tababara haanta ee Chelsea ayaa amaan buuxda la dhacay 28 jirkaan.

“Inaan isaga tababare u noqdo ayaa ah waxa ugu weyn ee xirfadeyda shaqo.” ayuu Mourinho u sheegay France Football.

 

“Waa ciyaaryahanka ugu badan ee xirfadyahan ah ee aan la kulmay abid.

“Tababare iyo ciyaaryahan kala duwanaansho waa uu soo dhexgeli karaa mar kasta laakiin halkaas ayay ku dhamaaneysaa. Wax dhibaato ah kuma qabo isaga.

“Inaan koox la joogo Cristiano Ronaldo waa waxa ugu fiicnaa ee abid igu dhacay aniga.”

Ronaldo ayaa durbaba dhaliyay 24 gool 17 kulan uu saftay tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan isagoo ka mid ah dadka ugu cadcad abaalmarinta Ballon d’Or

xuseen xarbii

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com