Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Somaliland Oo Mabnuucday inay Madaaradda Adeegsadaan dadka aan sidan Baasaabooro.

Hargeysa (maantasomaliland)-Wasaaradda Duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland ayaa ka mamnuucday Madaarrada dalka inay adeegsadaan dad aan sidan dukumanti baasaboor.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka wasaaradda Duulista Md. Saddaam Maxamed Axmed, waxaanu u dhignaa sidan:-

“Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka cirka Somaliland waxay dhamaan dadweynaha isaga goosha madaarada Somaliland ee ka soo dega ama ka dhoofa ku wargalinaynsaa inay waajib ku tahay inay sitaan baasaabooro sharci ah, si uu ugu sahlanaado safarkoodu, iyada oo aanu ka codsanayno inay tixgalinayaan una dulqaataan baadhitaana dadweynahaasi lagaga samanayo Madaarada iyo wixii su’aalo ah ee laanta socdaalku ay ugu baahato.

Waxaanu dhamaan diyaarahaha ka ganacsada hawadda Somaliland ugu digaynaa inay dalka Soomaaliya ee dariska ah ka soo qaadaan dad dalkaasi u dhashay ama reer Somaliland ah, oo aan baasaabooro sidan, taasi oo ah mid aan la aqbalo karin, hadii ay dhacda waxa diyaaradaasi laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan, waxana dadkaasi aan sharciga sidan dhamaantood dib loo celindoonaa diyaaradii siday iyo halkii ay ka yimaadeen.

Waxaanu dhinacyada ay khusayso faraynaa inay u hogaansamaan amaradaasi kor ku xusan, iyadoo wasaaradu hore go’aankan u baahisay, waxaanu mar labaad ku celinayaa in aanay Madaaradda Somaliland ka soo dageyn ama ka dhoofayn cid aan baasaaboor sharciya sidan, marka laga reebo wixii duulimaadyo gudaha Somaliland ah oo ay Muwaadiniinta u banaan tahay inay u kala safraan Madaaradda gudaha iyaga oo aan baasaaboor sidan.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com