Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirkii Hore Ee Warfaafinta Oo Si Kulul U Cambaareeyay Xadhiga Ay Xukuumaddu Kula Kacday Suxufiyiinta

Boobe-600x507Hargeysa(maanta somaliland) Wasiirkii hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Mujaahid Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe),ayaa si Kulul u dhaleeceeyey tallaabada ay xukuumaddu afka Kaga xidhayso saxaafadda madaxa Bannaan iyo tacaddiga ay ku hayso Xorriyatul-qawlka.  Mujaahid Boobe Yuusuf oo  u warramayey qaar ka mid ah saxaafadda madax  bannaan ee somaliland, ayaa ayaandarro ku tilmaamay in Maanta iyadoo madaxweyne siilaanyo oo Halgan dheer ka soo galay la dagaalanka cabudhinta shacabka iyo Hagardaamadooduba uu sameeyo ama ku sifoobo sifooyinka Daaquutkii uu la soo dagaalamay.  “ 6-dii Bishii Ogos 1984-kii waxanu xilka Guddoomiye-nimada SNM u dhiibnay Madaxweyne Siilaanyo, waxa ayaandarro ah isagoo maanta madaxweyne ah inuu wixii uu maalintaas ka dagaalamayey uu sameeyo oo aynu arkayno Afar wariye oo xidhan, waana kuwii ugu dambeeyey laakiin marka la eego rikoodhka maamulada somaliland soo maray waa kii ugu badnaa ee xadhig iyo tacaddi loo geysto, wasiirka warfaafintaan ahaan jirey, waxan xogogaal u ahay in wariyayaal la xidhay la arki jirey, laakiin wariyayaal la garaaco ma aynaan arki jirin.” Ayuu yidhi Mujaahid Boobe Yuusuf.  Cabdiraxmaan Yuusuf Boobe, waxa uu sidoo kale si kulul u cambaareeyey Xadhiga Xukuumaddu kula kacday Aqoonyahan Jaamac Jiir oo xabsi muddo dheer ah ku mutaystay Ra’yigiisa oo uu cabiray, waxana uu yidhi, “waxanu cambaaraynaynaa xaqdarrada uu Aqoonyahan jiir ugu jiro jeelka mandheera ee lagu hayso  xorriyatul qowlka, waxyaabaha la yaabka leh ee umaddani ka dagaalantay ayeyna ka mid yihiin.” Dhinaca kale Boobe yuusuf Ducaale waxa Naqdiyey Tallaabadii ay xukuumaddu musharaxa Madaxweyne-nimo ee  Xisbiga Ucid kaga hor istaagtay inuu Galo magaalada Gabiley, waxana uu isku daygaas xukuumadda ku tilmaamay Tamar-darro iyo rafasho,  “Maalin dhaweyd waxaynu goob-joog u ahayn jamaal cali xuseen oo magaalada gabiley laga  celiyey oo la yidhi ma soo geli kartid. Gabiley  Goboladda dalkay ka mid tahay, muxaafid iyo mucaarid midna uma xidhna sida Gobolada kale oo kale, Hadii ay xukuumaddu Gabiley isku Hubtana Jamaal ma ay celiseene Tamar-darro iyo Taag-darro ayaa halkaas dhigtay.” Ayuu yidhi mujaahid Boobe.  Mujaahidka ayaa sidoo kale  dhayda ka caddeeyey inaanay shacabka reer somaliland taag u haynin dhaqanada noocaas ah ee xukuumaddani la soo baxday, waxana uu madaxweynaha u diray farriin cad  oo dhaqankan  la xidhiidha, waxana uu yidhi, “dadku daafad uma hayaan waxyaabaha dhacaya, waana wixii ay ka dagaalameen iyo aflaantii ay soo daawadeen, waa wixii ay ka dagaalameen, waa wixii uu dalkan iyo dadkaniba u Burburay ee Madaxweyne aad Goobjoogga u ahayde Madaxweyne ma markii hore ayaad qaldanayd mise imikaad qaldan tahay.”

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com