Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Soomaalida iyo Dawladnimada – Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

Markii la dawladoobay in badan oo soomaalida ah waxaa ku dhacay waxa aynnu ku sheegi karro ”iswaayid”. Taasi waa qofka oo nafsad ahaan ka la luma oo jahawareera oo ay waaya’aragnimadiisa, filashadiisa, dareenkiisa iyo garashadiisu ka la qubtaan habsamida nafsadeedna ka xumaato. Iswaayiddu wax ay dhacdaa marka la galo xaalad nololeed oo aad uga duwan tii la caadaystay, ama la dhex galo dad iyo degaan aad uga duwan kuwii la yaqaannay. Qofku si uu garashadiisa iyo falkiisa u meeleeyo ama u jaheeyo horta wax uu u baahan yahay xaaladda uu ku sugan yahay (dunidiisa nololeed) in uu qeexo oo fahmo, haddii kale waxaa ku dhacaya jahowareer.

Isdhexgalkii weynaa ee ay dawladnimadu keentay soomaali badan wax ay ku ridday habow ama dayow bulsheed, waxaana ka lumay degganaantii nafsadeed iyo kalsoonidii lagu qabi jiray tolka iyo degmada lagu dhex noolaa. Qofkii wax uu arkay isaga oo ku dhex jira dad aanu garanayn oo tolnimo la wadaagin; isaga oo meel ka la shaqaynaya ama ka amar qaadanaya dad ay hidde ahaan xafiiltami jireen, isdhici jireen oo isdili jireen. Dabadeed wuu ka qalooday wuuna ka hiyikacay.

Dhanka kalena, awel qofku dadkiisa shakhsi ahaan ayuu uga tirsanaa uguna tirsanaa, fal walba oo uu sameeyaana, qurux iyo foolxumo, wax uu yeelanayay saamayn muuqata iyo falcelin degdeg ah, natiijadana markiiba toos ayuu u dareemayay. Sidaas darteed qofku xumaha wuu ka dhawrsanayay samahana ku mintidayay, xil weyn ayuuna iska saarayay ilaalinta habsamida iyo nolosha dadkiisa. Wax uu dareemayay masuuliyad kamadambays ah oo isaga qof ahaan saaran. Imika se dunida cusub ee baaxadda weyn ee uu dhex galay waa wax qalaad oo aan qofnimadiisa gaarka ah u xilqabin. Markaa isaguna wax uu lumiyay dhawrsashadii, wuuna isu xilqaami waayay masuuliyadaha cusub oo aan qofnimadiisa toos u khusayn. Waa halka ay ka dhasheen dhaqammo badan oo aan lagu dhiirran jirin marxaladdii degmada sida tuugnimada, balwadda, dhillaysiga iwm.

Dabadeed qofku si uu badweyntaas ugu dhex badbaado, naftiisa iswaydayna isu la helo, wax uu isku mar adeegsaday, ama midba kol adeegsaday, saddex xeeladood: 1) in uu badweynta ka dhex samaysto jasiirad uu isku arko, isku garto, iskuna ilaaliyo, taas oo ah in uu marba halka uu dawladnimada kaga jiro iyo meesha uu dalka kaga nool yahay inta isaga tolka u ah ururiyo oo u daneeyo kuna danaysto, 2) in uu dawladnimada qudheeda gooni u sheegto kana dhigo wax ay isaga iyo tolkii gaar u lee yihiin dadka kalena ka xigsado iyo 3) in uu dawladnimada iyo isdhexgalka gebigoodaba sharaysto, si uu sharkaas uga badbaadana iska durkiyo tolkana ka sooco.

Arrinta gooni u sheegashada danaha guud iyaduna markeeda wax ay u dhacdaa sidan: 1) dan qofeed oo ah in xafiiska dawladda laga dhigto dukaan hawlaha qaranka lagaga ganacsado, ama dadka loogu ka la qaraabakiilo, ama dadka loogu awoodsheegto, 2) in dawladnimada oo dhan laga dhigo wax qabiil gooni ah loogu daneeyo iyo 3) labadaas arrimood oo aan dheef maaddi ah lagu qabin in loo adeegsado xifaale iyo faan qolyaha kale ku jeeda (”annaga ayaa wax ah”).

Kolkii maanka dadku sidaas wax u macnaystay dawladnimadii waa ay isbixin wayday.

Facani [Deelley] wax uu isku dayay in uu qeexo noloshii uu ka soo guuray iyo ta uu u soo guuray iyo guud ahaan waayaha umaddiisa. Tii hore mar wuu sarraysiiyay oo dadnimadeedii ayuu ku dhaatay; dadnimadaas oo uu ku macneeyay in ay ahayd mid hufan oo hodan ah. Mar kalena wuu liiday oo wax uu ku sheegay nolol gabowday oo waqtigeedu dhacay. Tusaale ahaan facani raggii hore mar wuu quudhsaday oo gabaygoodii badnaa ee qabyaaladda ahaa wuu ka durkiyay golayaasha qarannimada, waxbarashada iyo warbaahinta intii itaal ah. Mar kalena isla raggaas iyo isla suugaantaas wuu weyneeyay oo guriga ayuu geystay, wax uuna tusaale uga dhigtay qiimiga ninka soomaaliyeed, marka uu doonana wuu adeegsaday isaga oo weliba waayaheedii iyo xilligeedii ka soo raray. Facani dawladnimada iyo nolosha cusub ee magaalada ayuu ka tiriyay maanso tii hore liddi ku ah oo leh waddaniyad, jacayl iyo ku hirasho ilbaxnimo horreysa, haddana fankiisa iyo suugaantiisa cusub badankeeda wax uu ka dhigay hilow iyo busayl u ooyaya dunidii uu ka soo hayaamay. Tusaale ahaan maansadii waddaniga ahayd iyo tii fanka ahayd ee u dhexaysay sannadihii 1950-nadii ilaa 1980-nadii, oo ah suugaantii ugu xiisaha badnayd ee marxaladdaas, wax aad arkaysaa badanaa in indhaha laga lalinayo quruxdii iyo wanaaggii ka jiray magaalada iyo nolosha taalla, oo la buunbuuninayo qaayaha iyo quruxda dhulka miyiga iyo dhaqanka ku hadhay. Taasi wax ay si wacan uga muuqataa inanta heesta lagu ammaano oo mar walba ah ta miyiga joogta ama dhaqankii hore haysata, halka ta reer magaalka ah la ismoogaysiiyo ama hoos loo eego. Waxaa la mid ah sida loogu dheeraado qurxinta degaanka miyiga iyada oo aan wax buuran laga soo qaadin quruxda iyo wanaagga magaalada.

Sidaas ayay jiilka Deelley garashadiisa iyo qeexitaanka dunidiisu isu burinayeen. Sababtaas ayaad arkaysaa isla qofka waddaniyadda iyo qarannimada u maansoonayaa isaga oo haddana qabyaalad ku shuqlan. Maya ee isla tix waddaniyad ka hadlaysa ayaa qabyaalad ka hadlaysa. Xaaladdaasi wax ay ka turjumaysaa marxalad kalaguur oo dadka karaankooda halkaa dhigtay.

Maansayahanka geeljiraha ah ee dawladoobay sidaas ayuu tusaale ugu yahay fahanka gurracan ee dawladnimada laga qaatay, af soomaaliga ku filnaan waayay macnaynta dawladnimada, iyo iswaayidda nafsadeed oo iswata. Qofkani isaga oo galay xaaladdaas aynnu soo sheegnay ayuu doonayay in uu maansoodo, wuuna ogaa in laga doonayo in uu ka/u maansoodo Soomaaliweyn iyo dalweynaha imika ka dib loogu abtiriyay ee loogu dooriyay degmadii iyo tolkii. Dhab ahaan se waxaas nuxurkooda waxaa kaga jira mugdi weyn, dareenkiisana u la ma falgalaan sidii tolka iyo degmada. Malluugtaa ayuu doonayaa lagana doonayaa in uu ka maansoodo. Markaa maxaa talo ah? Wax uu yeelay sidan soo socota:

Horta wax uu qaatay magacyadii waaweynaa ee haddana wada masanuuninta ahaa ee ay ka midka ahaayeen SOOMAALIWEYN, QARANNIMO, MIDNIMO, WADDANIYAD, KACAANNIMO iwm. Dabadeed waxyaalahaas oo dhan si uu bal nuxurkooda u helo wuu raray oo wax uu dhex geeyay tolkii iyo geeloodii, wax uuna ku dhigtay summaddoodii, markaas ayay noqdeen wax uu si uun u garan karo. Dabadeed soomaalidii kale ayuu dib ugu soo noqday (nafsad ahaan), wixii uu soo beddelayna ku soo celiyay isaga oo iska dhigaya soomaali waddani ah oo garanaya qarannimadu wax ay tahay. Dabadeed wuu hadlay oo gabyay, waxa se uu ka hadlay kana gabyay qarannimo run ah ma aha ee waa wixii uu soo maydhaamay ee soo dooriyay. Dabadeed wax ay isla keeni waayeen kuwii kale oo iyaguna sidaa si la mid ah wax soo yeelay.

Qarannimada tolka iyo degmada loo celiyay natiijada nafsadeed ee ka dhalataa sidii aynnu soo xusnay isku si u ma dhacdo. Tusaale ahaan haddii uu qofku dawladnimada xubnaheeda sarsare ku arko niman ay isaga isku hayb yihiin waxaa u fududaanaysa in uu summaddooda ku dhigto. Kolkaa waxaa suurtowda in uu ammino, ammaano oo ilaaliyo. Wax uu u sii gudbaa dawladnimadaas in uu kuwa kale ka xigsado oo ka caabbiyo. Taasi masalo taariikheed uun ma aha ee waqtigan la joogo ayay sida ugu cad u muuqataa. Waa ta dhaqanka siyaasadeed ee soomaalida gelisay nin kasta oo damac xumi in uu heli karo dad hayb ahaan ujeeddadiisa xun ku taageera.

FIIRO! Qoraalkan waxaa laga soo garoocay buugga ”Gorfaynta Silsiladdii Deelley”

Halkan ka eeg:

http://www.amazon.com/Gorfaynta-Silsiladdii-Deelley-Somali-Edition/dp/9198010107/ref=sr_1_1?ie=UTF8&qid=1386603348&sr=8-1&keywords=Gorfaynta+Silsiladdii+Deelley

Qalinkii: Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

Ibraahinhawd@hotmail.com

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com