Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Musharaxa madaxweynaha xisbiga siyaasiga ah ee ucid ayaa daaha ka fayday in ay qaban doonaan wax kasta oo dhaca mudaharaad ay hore u mudeeyeen

jamal-Cali-XuseenMusharaxa madaxweynaha xisbiga siyaasiga ah ee ucid Mudane jamaac Cali Xuseen ayaa daaha ka fayday in ay qaban doonaan wax kasta oo dhaca mudaharaad ay hore u mudeeyeen kaasi oo ay ku

Musharaxa madaxweynaha xisbiga siyaasiga ah ee ucid Mudane jamaac Cali Xuseen ayaa daaha ka fayday in ay qaban doonaan wax kasta oo dhaca mudaharaad ay hore u mudeeyeen kaasi oo ay ku beegeen maalinta Xuquuqul Insaanka oo ah maalinta Bari ah ee 10-bisha December2013.

Jamaal Cali Xuseen oo u waramayay Radio Hadhwanaag ayaa waxa uu intaa ku daray in ay mudaharaadka ku wehelinayaan Xisbiga Siyaasiga ah ee Wadani,Ururka Suxufiyiinta iyo waliba Madasha Wada Tashiga iyo toosinka Qaranka.

Waxa kale oo uu Musharaxa Ucid ka codsaday kasoo qayb galayaasha dibad baxa in ay soo xidhaan Shaadhadh cadcad iyo waliaba shalmado cadcad cidii awooda si ay shucuur tooda u muujiyaan, isaga oo ku wargaliyay in ay taageerayaashoodu isugu yimaadaan Barxadda weyn ee Xafiiska xisibiga Ucid Ku leeyahay magaaladda Hargaysa.

Markale waxa uu su?aal galiyay cidda ka talisa dalka oo uu sheegay in mararka qaar shaki ka galo cida wadanka ka talisa oo ay iswaydiiyaanoo ay ku jaah wareeraan, arintan ah in ay bal galiyaan xisbiga ucid cida wadanka ka talisa ayaan ahayn markii ugu horaysay ee ay ku tiraabaan arintan, iyada oo uu gudoomiyaha ucid hadda ka hor sheegay in aan madaxweynaha Somaliland wadanka ka talin isla markaana aanu aamin sanayn Somaliland.

Dhinaca kale waxa uu Jamaal Cali Xuseen ka sanqadhiyay in ay u seeto dheereeyeen ka mucaarad ahaan xukuumadda talada dalka haysa ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, oo uu sheegay in ay tahay xukuumad aad u kibir badan, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Sidoo kale waxa uu musharaxa Ucid taabtay labadii dhacdo ee xukuumadu Xisbigooda kula kacday ee kala ahaa tii Madaarka loogu diiday in ay galaan iyaga oo soo dhawaynayay Gudoomiyohooda Ucid Eng faysal Cali Waraabe Mar uu kasoo dagayay gagida caalamiga ah ee magaalada Hargaysa, iyo arintii kale ee lagaga hor istaagay in ay galaan magaalada gabilay isaga iyo masuuliyiin sarsare oo Xisbiga ucid ka tirsan.

Labadan dhacdo waxa uu ku tilmaamay talaabo xisibiga Ucid lagu bahdilayo isla markaana lagu carqaladaynayo xisbiga Ucid , waxa kale uu sheegay in arinta gabilayn ay ka madhnayd in ay wadeen wax olola ah aanu jirin ee ay u socdeen sidii u dhisi lahaayeen xafiisyadii iyo maamulkii xisbiga Ucid oo ay hore u kala direen.

Si kastaba ha ahaatee maaha markii ugu horaysay ee ay iclaamiyaan mudahaarad xisbiyada mucaaradku mudaharaad ay shucuurtooda ku muujinayaan, muddo laga joogo laba bilood in ku siman ayay ku dhawaaqeen in qabanayaan mudaharaad, kaasi oo aanay waxba ka hir galin, iyada oo labada xisibiba ay si isku mida u shaaciyeen.

Geesta kale waxa uu carabka ku dhuftay in aanay xukuumadu ogalayn oo diiday ogolaan shihii qabsoomida mudaharaadkan.

Ugu danbayntii mudaharaadyada inta badan ka dhaca magaalooyinka Somaliland ayaa inta badan waxa ka dhasha rabshado iyo isku dhacyo iyaga o mararka qaar sababa dhimasho iyo khasaare kaleba.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com