Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

“Filina Maayo In Midkood Wado Maslaxad-Ummadeed Ee Dadkuun Baa Noqday Baadi Dugaag Kala Ceshanayo” Abwaan Weedhsam

“Xaalada Xilligan Aan Ku Jirnaa Waa Mid Kadeedan Oo Aan Qurux Badnayn, Siyaasiyiinteena Oo Dhan Dani Ku Baday Ayuun Baan U Arkaa”

Hargeysa, – Abwaanka da’da yar ee Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) ayaa xaalada dalku marayo wakhtigan si wayn uga dayriyey, kaas oo sheegay inaan la mahadinin xukuumadda talada haysa ee xisbiga Kulmiye ee uu hogaaminayo Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Abwaan Weedhsame waxa uu sidaas ku sheegay mar uu shalay Wargeyska Haatuf ugu waramayey magaaladda Hargeysa, kaas oo si wayn uga xog-waramay sida ay ula muuqato guud ahaan xaalada dalku ku jiro wakhtigan, isla markaana xukuumadda Kulmiye ku eedeeyey inaanay waxba kaga duwanayn tii UDUB ee ay sida wayn u naqdiyi jireen xiligii ay mucaaridka ahaayeen.

weedhsameSidoo kale Abwaan Xasan Daahir Weedhsame oo ah hal-abuur dhalinyaro ah oo reer Somaliland ah ayaan isagu mudooyinkii ugu danbeeyey ka hadlin xaaladaha dalku marayo, kaas oo sida looga bartay wakhtiyadii hore suugaan ku cabiri-jiray xaaladaha kala duwan ee Wadanku ku sugan yahay, ayaa dhaliilo iyo talooyin is-barkan u diray xukuumadda taladda haysa gaar ahaa Madaxwaynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Siilaanyo oo  uu ugu baaqay inuu ku dedaalo sidii uu dhaxal taariikhda xusto uga tagi lahaa mudada uu xilka hayo. Waraysigaas oo uu Weedhsame arrimo door ah kaga hadlaya ayaa ugu horayn isaga oo ka hadlaya xaalada wakhtigan uu dalku jiro, waxa uu yidhi “Kollay xaalada xilligan aan ku jirnaa waa mid kadeedan oo aan qurux badnayn. Waxa soo kordhay waxyaabo badan oo innagu cusub sida saxafiyiintan iyo xildhibaanada la isku dayey in la dilo, xadhigan iyo cabudhinta warbaahinta ee xadkii aan naqaanay dhaaftay, qabyaaladan qaawan ee aan lala xishoonaynin, golayaashii sharci dejinta oo jeebka xukuumada ku dhacay iwm. dhammaan intaas iyo in kaloo badaniba waa ifafaale aan wanaagsanayn”.

S: Qaabka ay wakhtigan u wada macaamilaan ama xidhiidhka ka dhaxeeya Axsaabta Mucaaridka ah iyo Xukuumadda Kulmiye siduu kuula muuqdaa?

J: Waxay ila tahay siday u wada dhaqmaan inay tahay siday u wada dhaqmi jireen Udub iyo xisbiyadii mucaaridka ahaa waqtigii dawladii hore. Waxba kama duwana weliba inay xukuumadani baro dheertahay ayaad moodaaba tii hore marka laga eego xagga dul-qaad la’aanta iyo qas abuurka.

S: Mucaaridka iyo Muxaafidka wakhtigan keebaad taabacsan tahay, ama aad taageeri lahayd hadii midkood dooro lagu odhan lahaa?

J: Runta markaan ka hadlo anigu siyaasiinteena oo dhan dani ku baday uun baan u arkaa filina maayo in midkood wado maslaxad umadeed ee dadkuun baa noqday baadi dugaag kala ceshanayo. Taasi waxa ka marag kacaya xubnaha mucaaridka ah ee golayaasha ku jiraa markay dawladu dheemaalka u lusho ee ay laaluushto si badheedha ayey u iibiyaan masiirka ummada weliba ma qarsadaan, dee dawladana warkeedaba iska daa. Kolkaa dadku inu dib isku qiimeeyo ayeynu u baahanahay waayo iniintii aynu beeranay midhihii ka soo baxay waa kuwane saw innagu tiin intaan beeranay tamaandho raadcayn mayno.

S: Shirka Qaran ee ay siyaasiyiinta Madasha wada-tashiga iyo xisbiyadda mucaaridka ah ee UCID iyo Waddani Iclaamiyeen qabashadiisa halkeed ka taagan tahay adigu shaqsiyan?

J: Dadka uurkooda allaa innaga oge markaan ereyada xukumo anigu aan wada tashano oo isku nimaadno oo arrinsano wax dhib ah oo ku jira ma arko. Dhawr sanno ka hor madaxweynuhu wuxuu garta u arkayey ee uu isagu samaynayey maanta inu inoo caayo ama qayral dastuuri ku sheegaana isagay garashadiisa canbaar ku tahay waana is burin markhaatigeedii leh.

S: Waxa lagagu xasuustaa inaad xukuumadii hore ee UDUB aad naqdiyi jirtey hab maamulkeeda, xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo-na markii ay waxyar dalka ka talinaysayba maansooyin ayaad ku cabirtey hab-dhaqankeeda ayaad samaysay, maxaad isleedahay way ku kala duwan yihiin ama way iska shabahaan dawladii Rayaale iyo tan Axmed Siilaanyo?

J: Horta intii xukuumadii hore aan ku dhaliili jiray tanna way leedahay, waxaana ka mid ah musuqmaasuqa, ku tumashada danyarta, ku takri falka awoodaha hoggaamineed, marin habaabinta bulshada iyo ka been sheegida xaqiiqda dalka taalla, ka cararida la xisaabtanka iyo shuruucda aan la tixgelinayn. Balse hal shay oo ay ku kala duwan yihiin baa jira, qoladii hore waxay ahayd koox abaabulan oo wax isku og, cid qudhana amarka ayaa laga qaadan jiray balse kuwan maanta joogaa waa shaqsiyaad awoodo taagtooda ka weyn loo dhiibay dabar iyo hoggaan mideeyaana aanu jirin, xagga dul-qaad la’aanta iyo qas abuurka tii hore iyagaaba baro dheer.

S: Warbaahinta dawladdu qaabka ay ugu adeegto bulshadda wakhtigii Rayaale iyo Kan Madaxwayne Siilaanyo sideed u aragtaa?

J: Horta warbaahintu tan Siilaanyo iyo tii Rayaale midna bulsho uma adeegto, balse danaha kolba kooxda gacanta ku haysa ayey u adeegtaa, mida kale barigii hore warbaahinta dawladda rag uun baa laga caayi jiraye imika ilaa hooyooyinkaa lagu af-lagaadeeyaa, arrintaasuna waa hab-dhaqan aynaan hidde u lahayn oo aan diinteena iyo milgaha ummadnimadeena meelna kaga jirin.

S: Ma jiraan wakhtigan wax maanso ah oo aad waaqiciga jira ku cabirtey, hadii aanay jirina hadii maanta lagu yidhaahdo wax ka dhe ama suugaan ku cabir afar eray-na ha noqotee maxaad ka odhan lahayd xaalada dalku ku jiro wakhti xaadirkan?

J: Horta maansadu dhego laab u daloola ayey u baahan tahaye iska tiri uun maaha, hadday suugaani wax taraysana tii abwaanadii naga waaweynaa ee naga miisaanka cuslayd ayaan cidi dheg jalaq u siinba, kolkaa suugaantii weli waan gaaxinayaa.

S: Maadaama oo sida aad sheegtey ay jiraan caqabadaha intaas leeg bulshadda dalkan haysta, ma jirtaa talo aad maanta siin-lahayd Madaxwayne Siilaanyo iyo xukuumadiisa Kulmiye?

J: Nin waayeel ah sidaan qabo wax aan ku soo kordhin karo ayaa iska yare haddana basharku gefka waa la nool yahaye madaxweynaha waxaan odhan lahaa mudane madaxweyne tun waayeel dadkaaga ku qaad dhaxal taariikhda kuu galena da’yarta soo koraysa uga tag.

 

Xigasho: haatuf

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com