Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo kulan London kula yeeshay Saraakiil ka tirsan dawladda Britain

London(MSL)Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Somaliland. Md. Cali Maxamed Warancade, oo shafar shaqo ku jooga dalka Ingiriiska ayaa kulamo la yeeshay madax sare oo ka tirsan wasaarada arrimaha debadda dalka Ingiriiska.

Md. Cali Warancade, oo kulan ka dib lahadlay warfidiyeenada ayaa sheegay kulankaasi isaga iyo masuuliyiinta wasaarada arrimaha debadda Ingiriiska. Ay kaga wadhadleen arrimaha ku saabsan amniga iyo xidhiidh soojireenka laba dal ka dhaxeeyay.

“waxaan kulamo la yeeshay madax sare oo ka tirsan wasaarada arrimaha debadda Ingiriiska, waxaanan kala hadalnay sidii cilaaqaadka xagga nabadgalyada Somaliland iyo Ingiriiska kor loogu qaadi lahaa, arrimo badana waanu ka wada hadalnay waxaanan rajeynayaa in midho-dhal fiican yeelan doonan sidii lays kaga kaashan lahaa dhinaca nabad-galayada iyo saxiibtinimada qotada dheer ee labada dal ka dhaxaysa, runtii soo dhaweyn fiican ayaanu kala kulnay,”ayuu yidhi, Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha Md. Cali Maxamed Warancade.

 

 

 

maantasomaliland

Hargeysa Office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com