Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

“Xukuumaddu meel dalkiiba lala wareegay oo calan soomaaliweyn lala cararayo, qaarna la xasuuqay ayey kursi aan jirin ku Yoto’day oo ciidan isku wareejinaysaa….” Muj.Xasan Guure.

Hargeysa(Maanta Somaliland) Guddoomiyaha Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta qaranka Mujaahid Xasan Guure Jaamac ayaa xukuumadda Somaliland ee uu Gadh-wadeenka ka yahay madaxweyne Axmed Siilaanyo ku Eedeeyey inay Lumisay Goboladdii dalka ugu muhiimsanaa, isla-markaana sababtay in Cadawgu cidla ka helo.Xasan Guure Jaamac oo waraysi gaar ah siiyey wargeyska Hubaal, ayaa tilmaamay inaanay xukuumadda ka muuqatanin wax qiimayn ah oo ay u hayso Gobolada Bariga, isagoo xusay inaan laga hadlin xasuuqii loo geystay shacabka reer Taleex iyo Ololaha haatan madaxda Puntland ka waddo deegaanadaas, “Xukuumaddu waxay muujisay inaan Loo Baahnayn Gobolada Bariga, waxa Haatan socda Ee Xasuuqa leh ee Ololaha Doorashada Calanka Soomaaliweyn loo sido leh, waxa ku dhaliilan dawladda oo meel aan dalkiiba jirin oo lala wareegay kursi uun ku yoto’day waa ayaandarro.” Ayuu yidhi Xasan Guure Jaamac.

xasan guure
Mujaahid Xasan Guure waxa uu tilmaamay inay xukuumadu muujisay inaanay u baahnayn Gobolada Bariga, waxana uu yidhi, “Dawaladdu xaqiiqdii waxa muuqata inay ka Maarantay Labadaas Gobol ee Sool iyo Sanaag, Runtiina, Dawladdani Ma Rabto Somaliland inay Jirto, maadaama Horteeda lagu xasuuqayo Dadkeedii oo ay Aamusnaan ku daawanayso.”
Xasan Guure ayaa sidoo kale is weydiiyey su’aal la xidhiidha sababta ay xukuumaddu ciidanka ugu dalbanayso Axsaabta mucaaridka, iyadoo Goboladii la rabay ciidan la geeyo uu ka Babanayo calanka somaliweyn, waxana uu yidhi, “Mar Hadii labadii Gobol ee ugu waaweynaa ay halkaas mareen maxay aniga Hargeysa iigu weetaynaysaa, Gabiley iyo Hargeysa dhexdoodana Dawladi ka dhalan mayso.”

Xasan Guure ayaa sidoo kale xusay in madaxweynuhu u dhaartay inuu xuduudda Somaliland sugo oo dadkeedana adeega wada gaadhsiiyo, waxana uu yidhi, “madaxweynuhu wuxuu ku dhaartay inuu xuduudda Somaliland ilaaliyo dadkana daryeelo oo xuquuqdooda ilaaliyo, laakiin taasi ma muuqato.”
Dhinaca kale mujaahid xasan Guure waxa walaac ka muujiyey dhaqanka xukuumadda Kulmiye ee ah in kooxo dibad wareeg ah munaasibado lagu soo dhaweeyo, raggii dalka xaqa ku lahaana aan cidi waxba weydiinin oo hagardaamo loogu sii daro, “inta marba la leeyahay nin kaligii socda oo dibadda jooga ayaa wafti loo dirayaa oo loo ergaynayaa, wax aka haboon in dadka shacabka ah ee cidlada laga helay loo gurmado oo xuquuqdooda la sugo.” Ayuu yidh Xasan Guure, waxana uu intaas ku sii daray,
“waxad mooddaa inaan madaxweynaha dalka xilba ka saarnayn, lacagtii gobolada Bariga loogu talogalayna waxa maamusha madaxtooyada, waxana loo maamulaa hab aan haboonayn, dayacanina waxa uu ka yimi Madaxtooyada dhaqaalihii haddii ay tahayna si qaldan u isticmaasha oo cid ku laaluushta ama daaro ku dhisatay, ciidankii haddii ay tahayna u adeegsata cabudhinta dadka Hargeysa iyo hareereheeda ku nool.”
Xasan Guure waxa uu sheegay in ilaa intii xukuumadda Kulmiye dhalatay barnaamijka laga macaashaa uu noqday in wax aan jirin la sheegto, waxana uu isagoo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “raggii ilaa maalintii Somaliland Bilaabantay nafahooda u soo huray baa jooga oo aan cidi waxba weydiinin markaa ma waxa la doonayaa inay Baxaan oo ay wax sheegtaan, imika waxa lagu baayacmushtareeyaa oo ay wax ku bixisaa qofku intuu meel istaago inuu yidhaahdo state Baan ku dhawaaqay, Dadnimadiiba imika intaasay Noqotay.”
Mujaahidka ayaa farta ku fiiqay in dhaqanka cusub ee xukuumadda Lacagtii umadda ku bixinayso soo dhaweynta Shakhsiyaadka aan cid metelini uu dhiirrigelinayo in cid waliba wax aan jirin iska sheegato oo calan qaadato, waxana uu yidhi, “Nidaamkan ay xukuumaddu ula dhaqmayso shakhsiyaadka caynkaas oo kale ahi waxa ay dhiirrigelinaysaa in cid waliba calan yar iska qaadato oo Somaliland-nimadu burburto, ixtiraamka iyo qaddarintana sideedaba waa la kala leeyahay.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com