Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Jananada Bilaysku Gar Daranaa Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf Cali Guray

 

Jananada Bilaysku Gar Daranaa

Rag is gurayee. Hashii geela cuntoo cabaadaysa miyaa?. Masuuliyiinta Wargeyska HUBAAL aad iyo aad bay u dul qaateen.

Saw maaha kuwii la shirqoolay ee dilka lala beegsaday misna iyagii la xidhay hadana.

Saw maaha kuwa ilaa iyo hadda Madaxwayne Silanyo uga fadhiya keliya inay cadaalad helaan ee aakhirkii la yidhi cadaalad la idiin heli maayo eh maxaa kale?.

 

Waa ta ka taagan isku daygii dilka Xildhibaan Qabille oo isna xaalkiisu yahay ku kaajaan nin u aqaan ee laga soo maagay halkuu kiiskiisu galay ee ilaa iyo hadda wax kale daayoo wasiir ku xigeenkii loo adeegsaday lagu dhici la´ yahay in xilka laga qaado oo sharciga la hor keeno. Xildhibaan DHIBANE QABILLE waa xildhibaanka keliya ee xildhibaanadii UCID kaga soo hadhay xisbigii uu ka soo baxay ee UCID.

Aniga wuu igaga qaalisan yahay 81ka kale inu uu cadaalad helo na waan ku barbar taaganahay waanan ku barbar taagnaan doona hadii Alleh yidhaa.

Waxan dhacaya oo dhami waxay marag cad u yihiin dagaalka qaawan ee madaxtooyada madaxwayne Silanyo oo ay ka go´an tahay inay burburso mucaaridkeeda iyo saxaafadda madaxa banaan ee xorta ah oo ay u aragto inay yihiin cadawgeeda keliya, anigu na waxaa leeyahay taas macnaheedu waa in aan dimuqraadiyadi dalka ka jirin lama na aqbali karo. Waayo hadii aan mucaarid jirin dimuqraadiyadi jiri mayso.

Hadii aan saxaafad madax banaani jirin na ma jiri karo mucaarid.

HADABA JANANADA BILAYSKU MIYAANAY AHAYN HASHII GEELA CUNAYSAY EE HADA NA CABAADAYSAY

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com