Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Taliyihii Sirdoonka Gobolka Laascaanood Oo La Dilay Iyo Ku Xigeenkiisii Oo La Dhaawacay.

Sirdoonka…

Laas-caanood(maantasomaliland) Mar,08.2011-Sarkaal Sirdoonka Gobolka Sool oo lagu dilay xalay badhtamaha magaalada laas-caanood iyo sarkaal kale oo lagu dhaawacay. Mr: Muxamuud maxmed Xirsi(Asad) ayaaToogasho lagu Dilay Gudaha magaaladda Laas-caanood, iyadoo sidoo kale Dhaawacna loo gaystay ku Xigeenkiisi Carab Qawdhan Warsame.

falkan ayaa la xaqiijiyey in ay geysteen dablay hubaysan oo aan haybtooda la aqoonsan.

Dilkan ayaa ku soo beegmay iyada oo ay jiida hore ka dheceen dagaal weerar ay ku soo qaadeen maleeshiyo ka soo jeedda maamul-goboleedka majeerteeniya , kaas oo gaadiid iyo maxaabiis lagaga qabtay , dhirbaaxadaas kululna ay dib ugu celisay goobihii ay ka soo kicitimeen .

Sufuushan colaadeed iyo falalkan shirqooka ah ayey la kulmeen wefti balaadhan oo ka socda xukuumadda Somaliland, oo ku sugan magaalada Laas-caanood.

Arrimaha ayaa ku soo beegmaaya Wakhti ay magaaladda Laas-caanood ay ku sugan yihiin Wafti balaadhan oo ka socda Xukuumadda Soomaaliland.

xuseen xarbi

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com