Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

DHALINYARADA DEGMOOYINKA GACAN-LIBAX, MOHAMUD HAYBE, AHMED DHAGAX, IYO 31-KA MAY OO GO’AAN WADAJIR AH KA SOO SAARAY QORSHAHA MAREEYAHA WAKAALADA BIYAHA HARGEISA

HARGEISA(maantasomaliland.com) DHALINYARADA DEGMOOYINKA GACAN-LIBAX, MOHAMUD HAYBE, AHMED DHAGAX, IYO 31-KA MAY OO GO’AAN WADAJIR AH KA SOO SAARAY QORSHAHA MAREEYAHA WAKAALADA BIYAHA HARGEISA KU LEEXINAAYO MASHRUUCII BIYO BALAADHINTA EE MAGAALADA UGUNA BAAQAY BULSHEYNTA DEGMOOYINKAAS IN KA GILGISHAAN CUNO-QABATAYNTA BIYOOD EE LOO MALEEGAYO
DHALINYARADA OO GALABTA KULA HADLAYEY WARBAAHINTA HOTEL DALXIIS EE MAGAALADA HARGEISA AYAA SHIRKAASI SHARAA’ID KA DIB AYAA WARSAXAAFADEED AY KA SOO SAAREEN WAXA UU U DHIGNAA SIDAN HOOS KU QORAN.

Horudhac.
Sidaynu la wada socono xukuumadihii kala danbeeyay ee dalka soo maray waxay balanqaadyo kala duwan u samaynayeen bulshada degaanada dalka ee ay biyo la’aantu hayso gaar ahaan bulshada ku dhaqan caasimada Hargeisa siiba qaybaheeda koontur iyo bari taas oo mudo kabadan tobanan sano aan heli biyo kuna tiirsanaa biyo dhaamis. Kadib dadaalo badan oo ay samaysay xukuumada talada haysaa waxaa suurogashay in midawga yurub inagu caawiyo lacag dhan 12m oo Euro taas oo loogu talo galay in lagu waraabiyo qaybaha magaalada aan biyaha heli waxaase si cid u hor istaagay maareeyaha wakaalada biyaha hargeisa oo doorbiday inuu usii balaadhiyo magaalada qaybteedii horeba u cabi jirtay biyaha waxaanu goaan ku goaadhay in habka biyaha soo qaada ee pipeska oo ahaa 12 inch kana kooban laba beeb uu ku bedelo mid 24 inch ah taas cadaynaysa inaan magaalada biyo u soo kordahayn maadaama isu gaynta xajmiga biyo ay keenin karaan isku mid tahay, waxaana ay kordhinaysaa khatar kale oo ah in hadii halka beeb fadhiisto ama ciladi ku timaado aanay jirin beeb kale oo magaalada waraabiya halka imika hadii midi fadhiisto kan kale magaaladu kasii cabto.
Sidaynu la wada socono waxaa dawlada imaaraadku qoday laba iyo toban ceel oo ku yaala xumboweyne iyo jaleelo si magaalada qaybaha aan biyaha helin loogu waraabiyo hadana waxaa waxaa suuro gashay mashruuca qaybtiisii kale in isla dawlada imaaradku inagu caawiso qarashki beebabka lagu soo dhigi lahaa oo qorshahoodu ahaa in magaalada qaybaheeda bari iyo koonfur biyo galin loogu sameeyo iyadoo kayd biyood laga samaynaayo bari iyo koonfurba taas oo magaaladu si siman biyo u heli lahayd.

.Irintaasi waxay u cuntami wayday mareeyaha hada xilka haya oo ku sifoobay eex, qaybyaalad iyo kala jeclaysi bulshada caasimada degta waxaanu isku deyay inuu carqalado u dhigo isagoo dawlada imaaradka warqad u qoray odhanaysa in lacagta lagu galinaayo biyaha wakaalada lagu soo wareejiyo taas oo u damacsanaa in siduu jecelyahay ka yeelo warqadaanisa waxay cuntami wayday dawlada imaaradka oo heshiisku ahaa inay iyadu mashruuca maagalinteeda iyo fulinteedaba lahaato. Waxaa si fiican uga hawlgashay xukuumada Somaliland oo mar kale ku qancisay dawlada imaaraadka inay ka raali noqdaan warqadaas mareeyuhu soo qoray qorshahoodii horena ku socdaan.

saxWaxaa hadana mar labaad mareeye ina siyaad sida caadada u ah kama nasan doonistii ahayd inaan magaalada qaybtaasi helin biyo waxaanu mudo usbuuc laga joogo qoray warqad kale oo loo diray dawlada imaaraadka oo uu leeyahay qorshihii hore ee ahaa in kayd biyood laga sameeyo bariga iyo koonfurta magaalada in laga noqdo oo biyaha xunboweyne lagu xidhi geeddeeble taaso oo cadaynaysa inaan mareeyuhu maareeye u wada ahayn magaalada oo dhan ee uu kaliya mareeye u yahay xaafada uu hayb ahaan kasoo jeedo “ macnaheeduna yahay dadkii awalba biyaha haystay ha helaan biyo ay beeraha ku beertaan” waxaanu ku sababeeyay arin farsamo iyadoo uu damacsanaa inuu bedelo qorshihii ahaa in magaalada koonfur iyo bari kayd biyood laga dhiso si laba dhinac biyo dheeraad ahi magaalada uga yimaadaan. taasi waxay meel ka dhac ku tahay xukuumada u diyaarka ah inay geed gaaban iyo mid dheerba u fuusho sidii ay biyo nadiif ugu heli lahayd dadweynaha kala duwan ee reer Somaliland gaar ahaan caasimada oo ah muraayadii dalka laga dheehanayey. Waxay cadaynaysaa inaan mareeyaha hada joogaa la jaanqaadi karahayn maamulka hada jira ee u dhaartay u cadaalada samaynta dhamaan shacbiweynaha reer Somaliland waxaanu mareeyaha hada joogaa cadaystay sida uu horeaba saxaafada uga yidhi manigaa buuraha idin saaray taas oo macnaheedu yahay dadka aan biyaha helin ee ku nool inta badan magaalada sida koonfurta iyo bariga magaaladu ha ka soo guuran oo meel biyo leh ha doontaan waxaanay muujinaysa in aan dadka xaafadahaa degaa masuuliyadi ka saarnayn. Arintani waxay mar kale muujinaysana inaanu u bislayn xilka iyo masuuliyad darana ka muuqato isagoo magac daro usoo jiidaya dhalinyarta Somaliland ee u matalaayo iyo xukuumada diyaarka u ah inay shaqaalaysiiyo dhalintyarta.
Arintani waxay si cad uga hor imanaysa mabaadiida guud ee dastuurka iyo xeerarka kala duwan ee dalka gaar ahaan qodobka 8eed oo ka hadlaya Sinaanta Muwadiniinta farqadiisa 1aad iyo 2aad oo balanqaadaya inaan muwaadiniinta lagu kala saari doonin midabkooda, halka ay degaan iyo luqadooda.

1. Go’aamadashirka.
Kadib markii mudo ay wada tashi wadeen dhalinyarada xaafadaha, Ahmed-dhagax, Mohamud haybe, 31ka May iyo gacan libaax waxay dhalinta iyo aqoonyahanka degmooyinkaasi isla qaateen qodoban soo socda:
1. Kadib markay qaqiisadeen deegaanadan aan Biyaha helin aanay ka dhursugayeen in mudo ah mashaariic cusub oo biyo galineed maadaama Biyihi hore noqdeen kuwo kooto ugu xidhan xaafad gaara oo diiday in lala wadaago iyagoo garab ka helaaya maamulka biyaha
2. Samirkii biya sugista ee labaatanka sano kudhawaad bulshada Hargeisa ku nool inteeda badani ay sugaysay waxaa sidii caadada u ahayd dhexda u joogsaday maamulaha wakaalada Biyaha Hargeisa oo qorsheeyay in xaafadii awalba cabaysay loogu balaadhiyo mashaariicdii loogu talagalay in Hargeisa intaaan Biyaha helin biyo lagu siiyo
3. Maamulkan Biyaha Hargeisa oo ah mid xaafadaysan, wuxuu hore ugu guuldaraystay inuu Hargeisa biyaha u qaybiyo taasi oo uu badalkeeda ka doorbiday inuu xaafada uu ka soo jeedo u cunaqabateeyo Hargeisa inteeda kale

Guntii iyo gabagabadii waxaan soo jeedi naynaa
1. Mar hadii ay cadaatay masuulka hada jooga wakaaladu in mar iyo lababa in ka badan uu ku kacay qorshayaal ay ku dheehantahay kala xigtaysi shhacbiga caasimada degan ee baahida weyn u qaba biyaha waxaanu cadaynaynaa inaanu matali karayn masuulna u wada noqonayn dhamaan bulshada caasimada kalsoonidiina aanu kala noqonay masuulkaas.
2.
3. In Madaxweynaha Somaliland xilka xayuubiyo maareeyaha wakaalada Biyaha maadaama uu caadaystay inuu si qaawan oo qabyaaladaysan uu maamulo mashaariicda biyaha.
4. Waxaanu aaminsanahay in magaalada Hargeisa biyaheeda loo cadaalad samayn karo sidaa darted in xaafadaha magaalada Habeen ba xaafada loo xidho biyaha haddii aanay qaybsamayn si habeenba xaafadi u cabto kuwa kalana kalkooda u sugaan
5. Siduu qorshuhu ahaa in Wixii biyo galin cusuba laga fuuryeelo Koonfurta iyo Bariga magaalada Hargeisa maadaama ay yihiin xaafdaha hada kaqatan biyaha magaalada xukuumadana ka warhayso hagardaamooyinka mareeyahada xilka haya
6. In la joojiyo Qorshayaasha uu doonayo maareeyuhu in biyaha xunbaweyne iyo Jaleelo lagu waraabiyo xaafadihii markii horeba cabijirey arintaas oo aan waxba ka badalayn biyo la’aanta laga cabanaayo
7. In Hargeisa biyaheeda loo sameeyo gudi (board) maamula qaybinta biyaha oo madaxbanaan oo uu maareeyuhu ka hoos shaqeeyo
8. Codsigani wuxuu sigaar ah u khuseeyaa madaxweynaha Somaliland waxaanu rajaynaynaa in si dhakhso ah jawaab dhab ah ay bulshada caasimadu u helaan hadii kale hoos u dhac ku iman doono kalsoonida ay ku qabaan bulshadu xukuumada abuurina karto amaan daro ay sababtay cadaalad darada socotaa.
9. Waxaan u soo jeedinaynaa Bulshada ku nool degmooyinka kor ku xusan inay si dhaw isha ku hayaan cunaqabataynta qorshaysan ee uu maareeyuhu u maleegayo.

Allaa Mahadleh.

Dhalinyaradan oo Saluug Badan ka Muujiyey Habka uu Maareeyaha Biyaha Hargeisa u Maamulo isla markaana ku Eedeeyey in uu yahay maareeyaha biyaha xaafada uu degan yahay balse aanu ahayn mid ka Taliya Guud ahaa biyaha caasimada hargeisa

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com