Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Ku Dhawaaqay In Anay Suxufiyiintu Maanta Somaliland Ku Haysan Nabad-gelyo

Ururka Suxufiyiinta Somaliland Ee SOLJA Oo Ku Dhawaaqay In Anay Suxufiyiintu Maanta Somaliland Ku Haysan Nabad-gelyo,Si Kululna U Cambaareeyay Weerarka Qaawan Ee Ay Xukuumaddu Kula Wareegtay Wargeyska Hubaal.

Hargeysa(maanta somaliland)Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA ayaa si kulul u  cambaareeyay falkii ay xukuumaddu kula wareegtay  xaruntii Wargeyska Madaxa Banaan ee Hubaal,Gudoomiye ku xigeenka SOLJA iyo xoghayaha guud ee ururka Maxamed Cabdi Curad iyo Maxamed Rashiid Muxumed Faarax  oo shirjaraa`id oo ay ku qabteen magalada Hargeysa ku sheegeen in anay saxaafada Somaliland dalka ku haysan wax nabad-galyo ah.

Ugu horeyn Guddoomiye ku xigeenka ururka Suxufiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed Cabdi Curad oo ugu horayn shirkaasi jaraa`id ka hadlay ayaa sheegay,in maanta falalka ay xukuumaddu ku kacday ee ay ku hayso saxaafada ay tahay mid halis ah waxanuu yidhi”Waxaanu Aad iyo aad u cambaaraynaynaa Falka Ciidanka Boolisku kula wareegeen Xarunta wargeyska Hubaal ilaa haddana ku haystaan” ayuu yidhi mr Curad.

Gudoomiye xigeenka SOLJA  waxa uu ka dayriyay Xaalada amaan ee warbaahinta Madaxa banaan ee Somaliland, waanu yidhi “Waxaanu Bulshada u sheegaynaa oo Ra`yi caamka iyo Hay?addaha xuquuqal Iisaanka iyo kuwa madaxa baananba u sheegaynaa inaanay Saxaafadda madaxa banaan ee Somaliland haysan Nabad galyo, oo aanay haysan xoriyad iyo amni ku filan.

Waxa taas daliil u ah dhacdada Hubaal daba socoto, iyadoo aad moodo in garsoorkii noqday hay`addo lagu kala aar-goosto.

Hubaal April ayaa la weeraray, dadkii weeraray oo mid kood la qabtay ciidanka ayaa lagu wareejiyay waana la sii daayay iyadoo garsoor iyo caddaalad marin, halka dhibanihii cabanayay loo raaciyay in xaruntiisii la xayiro.” Ayuu yidhi Gudoomiye ku xigeenka SOLJA Maxamed Cabdi Curad.

Maxamed Cabdi Curad isaga oo hadalkiisa siiwata ayaa waxa uu yidhi”Waxaanu Falkaa u aragnaa mid Xoriyatul qawlka lagu fara galinayo, waxaanu u aragnaa fal Anshax daro ah oo Amni burburin ah. Waxaanu caddaynaynaa in maanta laga bilaabo aanay Saxaafaddu haysan Amaan sugan iyo Xoriyatul Qawl. Haddii ay sii socoto in dhibane cabanaya tacadi looga daro, waxay kalifaysaa in Hay`addaha warbaahinta iyo suxufiyiintu isdifaacaan oo ay Gabood samaystaan, Annagay nagu khasbadan tahay, iyagay ku khasban tahay haddaan Xukumaddu si degdeg ah uga qaadin Talaabo” ayuu yidhi Maxamed Cabdi Curad

Dhinaca kale Xoghayaha Guud ee Ururka SOLJA Maxamed-rashiid Maxamed-rashiid Muxumed Faarax  isna Shirkaasi Jaraa`id ka hadlay, waxa  uu  sheegay in xukuumadda uu madaxwayne silanyo hogaamiyaa saxaafadii madaxa banaanayd ee Somaliland ku soo qaaday dagaal qaawan isla markaana uu xoriyatul qawlkii dalku meeshii ugu xumayd marayso tan iyo intii ay jirtray Somaliland waxanuu yidh”Madaxweyne Dimuqraadiyaddii iyo Xoriyatul Qawlkii Somaliland gurigaagaad ku Aastay. 21-kaa sano Xukumaddihii Cabdiraxmaan Tuur, tii Marxuum Cigaal iyo tii Daahir rayaale may dhicin Dacwad aan la qaadin oo Maxakamad iyo Xeer ilaalini Xayiraad u soo qorto.Meesha la isku haysto ayaa Xayiraada loo qoraa. Waxay ahayd in Boolisku haddii ay wargeyska Hubaal ka cabanayaan Maxakamad u furtaan oo markay dambe ku hesho Xayiraad saarto. Waxaanu leenahay Madaxweyne waxaad ku dhaqan taa Dastuurka aan Madaxweynaha ku tahay. Waxaad ixtiraamtaa qodobka 32-aad ee Xoriyadda Hadalka.” Ayuu yidhi Maxamed-rashiid.

Xoghayaha Solja waxa uu intaasi raaciyay in Madaxweyne Silaanyo markii uu Xukunka qabtay isku dayay inuu Baabiiyo, Xisbiyada Mucaaradka ah, Saxaafadda iyo Golaha wakiilada. Kuwaasi oo qaarkood u suurto galeen inuu baabi’iyo.

Hadalka Solja ayaa ka dambeeyay ka dib Markii Ciidanka Booliska Somaliland markii labaad la wareegeen Xarunta wargeyska Hubaal Shalay galab-nimadii. Taliyaha Booliska Somaliland ayaa hore ugu Eedeeyay Wargeyska Hubaal inuu warar been Abuur ah ka sameeyay Masuuliyiinta Booliska.

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com