Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Gaashaanka U Daruuray Weerar Gardarro Ah Oo Ay Ku Soo Qaadeen Malleeshiyaadka Maamul Gobolleedka Puntland Ee Somaliya.

Gambadha(maantasomaliland) Mar. 08 2011 – Ciidanka qaranka Jamhuuriyada Somaliland, ayaa iska caabiyay weerar ay ciidamada maamul gobolleedka Puntland ku soo qaadeen shalay fiidkii ciidamada Somaliland ee fadhiya jiida hore ee Gambadha oo dhanka Koonfur Bari kaga beegan Magaalada Laascaanood, iyada oo ciidamada weerarka soo qaaday dib loogu celiyay deegaanka Tukaraaq oo ay hore ugu sugnaayeen.

Afhayeen u hadlay ciidamada qaranka oo magaciisa la yidhaahdo Cismaan Cabdilaahi, ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay ka soo weerareen laba aag, laakiin ay ay ciidanka Somaliland dhirbaaxo kulul ku dhufteen kooxda weerarka soo qaaday oo dib loogu celiyay halkii ay hore ugu sugnayaan oo ah deegaanka Tukaraaq oo ku dhaw xuduuda Somaliland iyo Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in ciidanka duulaanka soo qaaday ee Puntland ay u gaysteen khasaare ballaadhan oo dhimasho iyo dhaawac isugu jira, isla markaana ay gacanta ku dhigeen laba gaadhi oo ah tiknika dagaalka.

Waxa kale oo uu sheegay afhayeenka in ay jiraan maxaabiis tiro badan oo laga qabtay maleeshiyada daacada u ah Puntland, kuwaas oo ay hayaan ciidanka qaranka, kuwaasoo loo soo gudbin doono dhinaca magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com