Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Taariikhda Magaalada Berbera W/Q: Cali Cabdi Coomay

Taariikhda Magaalada Berbera W/Q: Cali Cabdi Coomay

Berbera waa magaallo taariikh fog, leh oo ay adag tahay in la soo bandhigo taariikhdeed, oo dhan. Balse waxaynu soo bandhigi doonaa inta taariikhda qoran lagu hayo. Magacii hore ee magaalda loo yaqaanay wuxuu ahaa Malao. Magacan Malao waxa laga soo xigtay inay isticmaali jireen Giriigii hore iyo Roomaaniyiintii.

Xaafadaha ay ka kooban tahay:

= Hanti-wadaag = Wada-jir = Burco Sheekh

Maamuladii shisheeye ee magaalada ka jiray

ü Sannadkii 1330-kii ayey deked macmal ah ka sameeyeen magaalada Berber, sahamiyeyaal shine ah, kuwaasi oo koox u wada socday. Waxa hogaaminayey nin la odhan jiray Lee oo meel weyn kaga jira taariikhda dalka shiinaha. Kooxdani waxay sheegeen in magaalada ay yaalleen shan aqal oo dhoobo ka samaysan, waxaana ku noolaa afar qoys oo hindi iyo iiraaniyiin isugu jiray. Kooxdan ayaa bilowday deked macmal ah oo doonyaha lagu xidhi jiray. Waxay sheegeen inay joogeen muddo shan bilood ah. Intii ay ku sugnaayeen magaalada Waxay ka dhoofin jireen shimbiro, dhir iyo foolka maroodiga. Wakhtigan magaalada waxa madax ka ahaa nin Hindi ah, oo ay sheegeen inuu soo dhaweeyey.

ü Sannadkii 1370-kii ayuu soo booqday magaalada taariikhyahan reer iiraan u dhashay, oo la odhan jiray Kamaal Rohani. Wuxuu ka qoray qoraal kooban. Wuxuu tilmaamay inay magaaladu tahay meel istaariji ah oo inta badan ay joogeen Hindi iyo eeshiyaan. Wuxuu sheegay inay magaalada gacanta ku hayeen koox isugu jirta Hindi, Shiine iyo Carab. Maamulka magaalada ayuu ku sheegay inuu ugu sareeyey nin Shiine ah, oo la odhan jiray Ben, ku-xigeenka ayaa Carab ahaa, balse magaciisa muu sheegin.

ü Sannadkii 1420-kii waxa magaalada la wareegay dad Carab u badan oo qarqiyey dadkii kale ee Hindid, Shiinaha iyo IIraaniyiinta. Carabtan oo uu badnaa reer Cumaan ayaa gacanta sare yeeshay. Taasina waxay keentay inay dadkii magaalada ku xidhnaa ee xoolo dhaqata ahaa ee soomaalida ahaa ay aaminaan carabta oo islaam ahad. Dadkii soomaalida ahaa ee markii hore ka urursan jiray shisheeyaha oo ugu yeedhi jiray”Saancadaale” ayaa islaanimada ugu soo joogsaday carabtan reer Cumaan. Sida uu sheegay qoraa reer Cumaan ahaa oo magaalada ku joogay booqasho wakhtigan. Ninkaasi waxa la odhan jiray Xuseen Mose.

ü Sannadkii 1470-kii waxa magaalada soo camiray yamani ka soo qaxaday dagaal ka socday dalkooda. Waana markii ugu horaysay ee Berbera qoxoonti yimaado. Waxa magaalada ku soo guray doonyo loox ka samaysan, waxaana la dejiyey magaalada gudaheeda. Reer guuraagii soomaalida ahaa ee hareeraha ka soo degi jiray magaalada ayaa caanaha iyo subaga kaga bedelan jiray dhar iyo cunto. Muddo markay deganayeen ayey dib ugu laabteen dalkoodi, waxaanay magaalad kaga tageen guryo faro badan oo ay dhisteen.

ü Sannadkii 1485-kii waxa maamulkii magaalada la wareegay iiraaniyiin ka soo kicitmay gacanka Beershiya oo xoog kula wareegay. Waxay ka qabsadeen magaalada dhinaca badda. Carabtii reer cumaan way is-dhiibeen, taasina waxay keentay inay si dhib yar ula wareegeen. Waxay deegano rasmi ah ka dhigteen gurihii ay ka tageen qoxootigii reer yaman. Nin yamani ahaa oo ka hadhay qoxootigii ayaa arritani ka waramay kana qoray, qoraal aad u yar. Ninkan waxa la odhan jiray Saalax Bin Ca’if.

ü Sannadkii 1496-kii waxa la weeraray iiraaniyiintii magaalada haystay. Carabtii reer cumaan ayaa dagaalka soo qaaday, waxaana magaalada soo gaadhay burbur weyn. Dagaalka ayaa ku faafay magaalada, balse guulaystay carabtii reer cumaan oo gurmad dhinaca badda ah ay u fidiyeen carab kale oo yaman u badani. Aakhirkii waxa magaalada laga saaray iiraaniyiintii. Waana dagaalkii ugu horeeyey ee ka dhaca Berber.

ü Sannadkii 1499-kii waxa maamulkii magaalada wada qaybsaday Yamani iyo Cumaaniyiin. Madaxa magaaladu wxuu ahaa yamani la odhan jiray Abu dayib. Madaxa dekedu wuxuu ahaa reer cumaan oo la odhan jiray Sayid Ladan. Wakhtigan waxa magaalada soo camiray carab ka iminaysay bariga dhexe.

ü Sannadkii 1510-kii ayuu boqorkii cumaan booqasho ku yimid magaalada . waxaana soo dhaweeyey dadkii deganaa magaalada oo dhan. Boqorku wuxuu dhinac kasta ka soo maray magaalada, bal inay joogaan ciidan hubaysani. Boqorku wuxuu watay ciidamo awood badan.

ü Sannadkii 1550-kii waxa magaaladasoo weeraray ciidan xabashi ah, oo uu hogaaminayo mid ka mid ah gacanyarihii boqorka xabashida oo wata ciidan tiradiis aan la soo koobi Karin. Ciidankan xabashidu waxay dhexda kula soo dagaalameen soomaalidii xoolo dhaqatada, ahaa oo diidanaa soo gelitaanka dhulkooda ee xabashida. Carabtii magaalada maamulaysay ayaa dagaalku ku qabsaday magaalada gudaheeda oo kedis ayuu ku noqday. Dagaal qadhaadh ayaa ka bilaabmay magaalada dhexdeeda. Dagaalkan oo socday afar cisho oo xidhiidh ah ayaa markii dambe ciidankii xabashida laga awood batay, waxaana laga diley hogaamiyahoodii. Firxadkii ciidanka xabashida ayaa ka soo cararay magaalada waxaana dhex u joogsaday soomaalidii reer guuraaga ahayd. Kolba meel ayuu dagaal ku qabsanayey, ilaa ay gaadhaan dhulka itoobiya.

ü Sannadkii 1620-kii wuxuu dagaal ka dhexqarxay yamantii iyo cumaaniyiintii. Balse waxa dhexgalay dadkii kale ee la deganaa, sida Hindidii, Shiinihii iyo iiraaniyiintii. Waaan la heshiisiiyey. Gacan ku hayntii carabta ee magaalada ayaa halkeedii ka sii socotay. Carabtani waxay xoog ku lahaayeen ganacsiga magaalada.

ü Sannadkii 1680-kii ayey magaalada yimaadeen iiraaniyiin ganacsato sheegtay, balse ahaa ciidan doonayey inay magaalada qabsadaan. Waxay heshiis ganacsi la yeesheen carabtii magaalada maamulaysay. Markay muddo joogeen ayey taageero weydiisteen Hindidii, Shiinihii iyo iiraaniyiintii hore u deganayd magaalada. Balse way ku gacan-saydheen. Taasina waxay keentay inay ka noqdaan damacii ahaa inay magaalada qabsadaan.

ü Sannadkii 1715-kii ilaa 1780-kii waxa magaalada maamulkeeda gacanta ku hayey carab,balse waxay qayb ka siiyeen dadkii kale ee la deganaa. Wakhtigan waxa si weyn u danaynayey magaalada Giriigii hore iyo Roomaaniyiintii, oo doonayey inay saldhig ku yeeshaan. Waxay booqasho joogto ah ku iman jireen magaalada.

ü Sannadkii 1794-kii ayey ahayd markii ugu horaysay ee la arkay soomaali magaalada gudaheeda ka shaqaynaysa. Soomaalidan ayaa ka yimid dalalka jasiirada carabta, taaso keentay inay dhexgalaan carabtii maamulaysay magaalada. Ganacsigii magaalada ayey si buuxda uga dhex-muuqdeen.

Maamuladii soomaalida:

maamulkii Ahmed Nuux (Ahmed Nuh period 1800 upto 1905)

ü Sannadkii 1800-kii waxa magaalada maamulkeedii toos ula wareegay beesha Axmed Nuux (Reer Axmed).waana maamulkii ugu horeeyey ee soomaali yeelato. Beeshani waxay samaysay maamul ka kooban saddex qaybood oo kala ah:
Maamulka dekeda * maamulka magaalada * maamulka amaanka.

Bariga iyo koonfurta bari ee magaalada waxa deganaa beesha Ciise Muuse, halka galbeedka magaalada ay deganaayeen beesha Yoonis Nuux. Ganacsigii magaalada ayaa xoogaystay, waxa laga furay dukaano, bakhaaro lagu kediyo hargaha, subaga, foolka maroodiga, fooxa. Beelahan deganaa hareeraha magaaladu waxay keeni jireen dhuxusha, caanaha iyo subaga. Markay dadka ka yimaada hawdka iyo dhulka miyiga ah soo galaan magaalada waxa la gelin jiray safaf dhaadheer. Ka dib waxay sitaan ayaa laga reebi jiray, markaasaa loogu bedeli jiray sonkor, bariis, dhar iyo shah. Ilbaxnimada iyo reer-magaalnimada beesha Axmed Nuux ayaa ka saraysay tan reer miyiga ku dhisnayd ee soomaalida kale. Dad laga keenay dhulka fog ayaa adoomo ahaan looga dhoofin jiray magaalada. Waxa arrintan si kooban uga waramay sahamiye reer iiraan ahaa oo joogay wakhtigan magaalada, waxaana la odhan jiray Akabar Ali.

ü Sannadkii 1820-kii wuxuu maamulkii magaaldu soo rogay in dadka reer miyiga ahi aanay magaalada joogi Karin, markay saacadu gaadho 5:00-ta galabnimo. Arrintan ayey ku sheegeen inay bilicada magaalada u daran tahay. Ka dib waxay magaalada ku rakibeen dhawaaq qaylo leh oo dhamaan magaalada laga wada maqlayo. Waana fariin loogu sheegay inay ka baxaan magaalada. Dadka aan arrintan ku dhaqmin xoog ayaa lagaga saari jiray magaalada.

ü Sannadkii 1825-kii ayaa weerar lagu qaaday markab ingiriisku laaa oo la odhan jiray “ Mary Ann”. Wuxuu ku jabay markabani meel xeebta Berbera in yar u jirta. Koox soomaali ah ayaa weerar qorshaysan ku qaaday, ka diba dab sudhay. Ka dib waxa wada xaalay maamulkii dekeda iyo masuuliyiintii ingiriiska. Ka dib waxa lagu heshiiyey inay bixiyaan magdhaw lacageed oo ahaa 6,000 Ginni. Waxa kale oo lagu heshiiyey in la joojiyo weerarka maraakiibta ingiriiska ee maraya xeebaha Berber. Waana heshiiskii ugu horeeyey ee ingiriisku la galo soomaalida. Wakhtigan waxa joogay magaalada sahamiy ingiriis ahaa oo la odhan jiray W.F. Owen. Heshiiska waxa lagu saxeexay magaca Habar Awal.

ü Sannadkii 1840-kii waxa magaalada ka dhacay dagaal kooban oo beesha Axmed Nuux kaga sifaynayso dadka aan ahayn beeshooda. gaar ahaan Yoonis Nuux dad ka tirsan oo magaalada degenaa, inkastoo ay tiro yar ahaayeen. Dagaalka oo socday muddo kooban, waxa magaalada laga saaray beesha Yoonis Nuux. Taasina waxay keentay inay awoodii sii korodhsadaan beesha Axmed Nuux. Ganacsade Carab ahaa oo reer Cumaan ahaa ayaa joogay, kana qoray taariikh faahfaahsan. Waxa la odhan jiray Cumar Abu-Salaf.

ü Sannadkii 1842-kii waxa magaalada soo maray nin la odhan jiray Johnston, wuxuu sheegay inay magaaladu camiran tahay oo ganacsi xoogani ka socdo.

ü Sannadkii 1855-kii waxa sidoo kale safar ku soo maray magaalada sahamiye la odhan jiray Richard Burton, oo markii dambe la baxay “ Sh. Cabdalle”. Wuxuu ka waramay nolosha magaalada.

ü Sannadkii 1870-kii waxa magaalada xoog ku qabsaday ciidamo Masaari ah oo wakiil ka ahaa boqortooyadii Cusmaaniyiinta. Ka dib waxay heshiis la galeen dadkii magaalada maamulayey. Intaasi ka dib waxay bilaabeen inay dhisaan guryo badan oo ay ka mid yihiin, Biyaha Dubaarka, Noobiyada, Waddooyinka magaalada iyo guryaha cashuurta lagu qaado. Cusmaaniyiintu waxay xukumayeen Berber 1870-kii ilaa 1884-kii.

ü Sannadkii 1879-kii ayey ciidamadii Masar ka baxeen Berbera. Isla-sannadkaasi dabayaaqadiisii ayuu ingiriisku wakiil u soo diray magaalada Berbera. Wakiilkan oo la odhan jiray Cali Sharmarke oo ahaa Habar Yoonis.

ü Sannadkii 1884-kii ayuu ingiriisku heshiis la galay beesha Axmed Nuux oo maamulka magaalada gacanta ku hayey. Heshiiska waxa lagu saxeexay badda dhexdeeda. Magaca heshiiska lagu saxeexay ayaa ahaa beesha Habar Awal.

ü Sannadkii 1895-kii ayuu Sayid Maxamed Cabdille Xasan ka soo degay magaalada Berber. Ingiriiskii ayuu ku yidhi “keen cashuurtii”. Ka dib Siyad ayaa ku yidhi” adigu cashuurta keen, adigaa dalkayagii joogee”. Ka dib muran ayaa dhexmaray Siyadka iyo sarkaalkii ingiriiska ahaa. Turjumaankii sarkaalka ayaa yidhi” inaga daa waa wadaad waalane”. Waana halkay ka timid “ Mad Mullah”.

ü Sannadkii 1899-kii ayuu sayidku dood diimeed ka abuuray magaalada wuxuu meel fagaare ah ku caayey mad-habta qaadiriyada. Isaganu wuxuu watay Saalixiya. Ka dib Sayidka ayaa dooddii lagaga adkaaday. Wuxuu u baxay dhinacaa iyo Burco.

ü Sannadkii 1915-kii ayey magaalada yeelatay maamul ka kooban beelo badan oo soomaali u badan. Mudaadii u dhaxaysay 1920-kii ilaa 1934-kii ayey carabtii deganayd u haajireen dalalkii ay asal ahaan ka soo jeedeen. Halka Hindii, Shiinihii iyo iiraaniyiintii ay hore uga guureen magaalada.

ü Sannadkii 1945 ilaa 1960-kii waxa magaalada soo camiray dad fara badan oo bartay ganacsigii iyo wadista doomaha.
LA SOCO

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com