Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

”Waxa lagu xantaa Madaxweyne Siilaanyo, waa nin habar-jeclo ah,oo waa qabiili, ISAAQU waxa weeyaan Habar-jeclo iyo Habar-magaado, waxaan ku idhi Guddoomiyahayaga Guurtida Saleebaanoow Habar-magaado waan ka xishoonaa, ee maxaa Habar-jeclo looga xishoon-waayey XAAJI CABDIWARAABE

Xaaji Cabdikariin Xuseen oo ah odayga ugu da’ada weyn Somaliland, isla markaana ka mid ah mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland oo wakhtigan da?diisu tahay 117-jir ayaa waxa uu is-barbar dhig ku sameeyeey madaxweynayaashi xilka madaxtinimada dalka Somaliland isaga kala danbeeyey, iyo mid-ba halka uu hannaanka dhismaha dawladnimo soo gaadhsiiyey ee lagu xasuusto.

waraabeOday Xaaji Cabdi Waraabe waxa uu sidaa ku sheegay Mar uu xalay ka hadlayey Daah-furka Buug lagu magacaabo ?Samo-Talis oo laga qorey taariikh nololeedka iyo waayo-aragnimada Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi-Waraabe) muddadii dheerayd ee uu noola,

Ugu horey, Xaaji Cabdikariin Xuseen (Cabdi-Waraabe) oo ka hadlayey Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigal iyo waxyaabaha lagu xasuusto dhismaha dawladiisi,ayaa waxa uu yidhi “Cigal waxa uu yaqaanay dawladnimada oo seeskii ayuu dhigay,oo Wasaaradihii ayuu dhisay,askartii ayuu dhisay, waxa uu xoogeeyey booliskii, dhismihii dawlada seeska ayuu u dhigay”.

Sidoo kale, Mar uu Xaaji Cabdi-Waraabe ka hadlayey Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale Kaahin, muddadii uu xilka madaxweynanimo hayey iyo waxyaabaha lagu xasuusto dawladiisi ayaa waxa uu yidhi: “Rayaale-na waxa uu dhisay Military-ga, waxa uu lahaa dul,markii xilka madaxweynanimo laga helay ayuu sharaf kaga degay,meesha uu tagaaba waa madax,”.

Xaaji Cabdi-Waraabe mar uu ka hadlayey wax-qabadka Madaxweynaha imika talada dalka haya ee Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo),ayaa waxa uu yidhi”Waxa u danbeeyey (Madaxweynanimada) Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), sida uu u wado ninkii caqli lahi wuu garanayaa, yaan la caaridin lama laha, laakin ninka mucaaridka ahi waa inuu waxa dhiman sheega, laakin waxa jira inuu qariyo maaha, maanta dawlada aynu nahay caalamku wuu inoo bogay, innaguna waxaynu isa siinay nabadgelyo,”

“Shir-beeleed waxaynu kaga soo baxnay Burco,markii la isku keenay beelaha Somaliland,ninka Shirbeeleed hadal-haya isaga ayaa is-dilayaa,mucaaridku madaxtinimo ayuu doonayaa iyo dawlada oo uu qabto gar ayuu u leeyahay, laakin haddii uu caytamo ciddi raaci-mayso,waa inuu waxa dhiman sheego….waxa la yidhi ?Ninka weyni waxa uu cunaa waa jal,waxa uu yidhaahdaana waa dar-daaran,Somaliland ninka maanta mucaaridii waa dahab,waayo mucaaridku waxa uu dhisaa dawlada”.Ayuu yidhi Xaaji Cabdi-Waraabe.

Xaaji Cabdi-Waraabe waxa uu ku dooday inuu madaxweynayaashi talada dalka isaga kala danbeeyey inuu xaqiiqada uu dalku marayo inuu si toosa ugu sheego,balse aanu waxba kala habranin”Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ha u danbeeye nin-walba halka dhiman ayaan u sheega, Walaahi inaan midna ugala hab-ranin, inay Hargeysi biyo la?aday waan u sheega, inaan dadkii weli guryo loo dhisin waan u sheega, waddooyinka waan u sheegay, wax weyn ayaa la qabtay kii qabtayba, laakin wax ayaa dhiman, ninka mucaaridka ahi ha yidhaahdo waan ka baddin”.Ayuu yidhi.

Mar uu Kaftamayey Xaaji CabdiKariin Xuseen waxa uu soo bandhigay waxa lagu xanto Madaxweynaha wakhtigan talada dalka haya ee Axmed-Siilaanyo, isaga oo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi”Waxa lagu xantaa Madaxweyne Siilaanyo, waa nin habar-jeclo ah,oo waa qabiili, ISAAQU waxa weeyaan Habat-jeclo iyo Habar-magaado, waxaan ku idhi Guddoomiyahayaga Guurtida Saleebaanoow Habar-magaado waan ka xishoonaa, ee maxaa Habar-jeclo looga xishoon-waayey? Wuxuu yidhi: ?Taayadu way hirgashaye, xanta midhaas ayey ku daraan,anigu-se ma hayo meel uu Habar-jeclo ku dhisayo, Habar-magaadana ku duminayo ILAAHAY hortiisa”.
XUSEEN XARBI
MAANTASOMALILAND

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com