Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Jaadka Miirooga Oo Maalinle U Yimaadda Ceerigaabo Iyo Xukuumadda Oo Mooggan Cashuurta Kaga Maqan

Maandooriyaha Jaadka loo yaqaanno Miiroo ayaa muddooyinkan ugu danbeeya wuxu si maalinle ah isagoo ay sidaan gaadiid u gaar ahi wuxu soo gelayaa magaalada Ceerigaabo. Kaasoo aan sidan oo kale hore looga baran inuu u yimaaddo gudaha magaalada Ceerigaabo haseyeeshee xilliyada qaarkood lagu arki jirey degaannada Sanaag-bari ee gobolka Sanaag.

Qiimaha Jaadkan oo ah mid aad u sarreeya oo xidhinka loo yaqaanno Farta uu marayo lacag u dhiganta US$ 20 (Labaatan Doollar). Iyadoo weliba Jaadkan lagu iibiyo lacagtii cadcadka waraaqaha shilinka Soomaaliya ee isticmaalkeeda hore looga joojiyey ceerigaabo xukuumadduna xilligaas u beddeshey dadka wixii haystey lacagtan cadcadka shilinka Soomaaliya taasoo u muuqata in isticmaalka lacagtan mar kale jaadkani dib ugu soo nooleeyey magaalada Ceerigaabo.

Dhinaca kalena Jaadkan ayaa si cashuur la’aan ah wuxu kusoo gala gudaha magaalada Ceerigaabo taasoo u muuqata inay xukuumadda kaga baaqato dakhli badan oo ay ka heli lahayd cashuurta Jaadkan balse mas’uuliyiinta ku shaqada lihi mooggan yihiiin

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com