Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ma dhabaa in Doodii qaran Akadamiyadda Nabadu qabanayso?

Warar hoose oo aan wali soo shaac bixin ayaa sheegaya in kulamdii ugu danbeeyey ee ay sida is-daba jooga ah u yeeshee Guddoomiye Cirro oo ka wakiil ah labada Xisbi Mucaarad iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtidda oo meteleya Xukuumaddu isla meel dhigeen in gacan ka madax banaan labada dhinac loo dhiibo qabashada Dooda Qaran ee ay isku tuur tuurayaan mucaaradka iyo Xukuumaddu.

Ma cada illaa hada in meel rasmi ah la isugu luga duwday, labad dhinac midkoodna kamuu hadal, hase yeeshee wararka soo baxaya ayaa sheegaya maadaama kulamadii ugu danbeeyey ay gaadheen meel xaasaasi ah oo ay reero dabada galisay in lagu wareejiyo gacan kale oo dhex u ah dhinacyada taasoo u muuqata in ay fursadaas buuxin karto Akadamiyadda Nabada iyo Horumarka oo Somaliland hore ugala soo dabaalatay marxalado siyaasadeed oo caynkan oo kale ahaa.

Dhaqdhaqaaqa laga dareemayo kulamdii ugu danbeeyey ayey ilo wareedyo u dhuun daloolaa sheegayaan si xeego xeego u noqoto Il-kana u nabad galaan in Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Mucaaradkuba ku qanceen dooda in loo dhiibo Akadamiyadda isla markaana ay ka soow ada qayb galaan dhinacyada oo dhami.

Dhinaca kale, kulan aad u balaadhan oo ay soo abaabuleen Mucaaradku isla markaana ay isugu keeneen kooxo ka kala yimi Goboladda ayaa la sheegay in uu shalay ka dhacay Hotelka SummerTime, kaasoo loogu gogol xaadhayey dooda Qaran ee ay Xukuumaddu diidan tahay.

Kulankaasi lama oga wax aka soo baxay hase yeeshee waxay xukuumaddu shalay ka qaadatay dareen sas ah, waxaanay isha ku haysaa dhaqdhaqaaqa ay wadaan kooxaha Mucaaradka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com