Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Annagu Faako (FACO) Ma Naqaanno Madaxweynahana Waxannu Leenahay Garas iyo Gobollada Bari Kala Dooro.

 

6Xildhibaannada Golaha Deegaanka Ceerigaabo, Ururrada Samofalka Wadaniga ah, Madax-dhaqameedyada, Haweenka iyo Dadweyne Kale Oo aad u tiro badan Oo isugu soo baxay fagaaraha beerta Xurriyadda Ceerigaabo ayaa Shir jaraa’id oo ay halkaasi ku qabteen waxay sida Fiinta Uga qayliyeen kuna tilmaameen shirqool iyo mid dano gaar ah laga leeyahay oo ay ka danbayso hay’adda FAAKO (FACO) qoraalka kasoo baxay  Maareeyaha Xafiiska Xidhiidhka Mucaawimooyinka WFP ee Xukuumadda Somaliland Yuusuf Cismaan Garas oo sheegaya in aanay WFP bixin Karin mashruuc aan oggolaansho ka haysan Hay’adda Dawladda u qaabilsan xidhiidhinta Mashaariicda ay fuliso. Iyo weliba in Madaxweyne Siilaanyo mudada saddexda sano ee uu xilkan hayey Mashaariicda WFP bixiso lagu naas-nuujinayey Gobollada Bariga Somaliland.“Qoraalkaas waxannu u aragnaa mid marin habaabay iyo mid dadka Reer Somaliland u kala qaybinaya gobollo iyadoo la leeyahay madaxweynaha ayaa mashaariic fara badan u leexiyey gobollada bariga”. Sidaas waxa yidhi Cali Yufle oo kamid ah ururrada la shaqeeya hay’adda WFP.

 “Faako iyo Sanaag isma yaqaanniin annaguna Faako ma naqaanno magaceedana manta noogu horraysa waxayna dadkani isugu soo bexeen hafriinshaha Faako samaysay waannuna ka xunnahay WFP-na mashaariicdeeda waxay u badisaa gallbeedka sababta ugu weynina waa waddo xumida taasna madaxweynaha iyo wasiirkiisa madaxtooyada oo ku dedaalaya aad baannu ugu bogaadinaynaa waxannuna WFP leenahay mar haddii kuwii aad mashaariicda u badinayseen nagu kiin maagayaan adinukna noo soo kordhiya wixii aad nasiin jirteen”. Sidaas waxa yidhi Xildhibaan-Cabdi c/laahi (Dalab) oo ka mid ah xildhibaannada golaha degaanka Ceerigaabo.

“Warkan been abuuka ee Faako faafisay aad iyo aad baannu uga xun-nahay waana war aan sal iyo raad lahayn”. “Hay’adda WFP-na waxa yare e nagasoo gaadha waannu ugu mahad celinaynaa”. Sidaasna waxa shikaas ka yidhi Xildhibaan-Maxamed Axmed (Kable) oo isagunaka mid ah xildhibaannada golaha degaanka Ceerigaabo.

“Warka nasoo gaadhey waa mid aad aannu uga xumaannay Madaxweynaha Somaliland-na waxa keliyoo annaga si gaar ah nalooku tilmaami karaa waa waddadaas laamiga ah keliya”. “waxannu leenahay ninka hadalkaas qoray waa in lagala xisaabtamaa xilka uu hayo ee uu la kufay annaguna raalli baannu ka nahay gobol kastoo Somaliland oo wax loo qabto”. Sjdaas waxa yidhi Chief-caaqil-Xuseen Xasan Cali oo ka mid ah madax-dhaqameedyada ugu magaca weyn beelaha Sanaag.

Ugu danbayntiina arwo Maryan Maxamed Ducaale oo halkaas ka hadashay ayaa waxa hadalladeeddii ka mid ahaa “Waxannu leenahay Madaxweyne Faako intii la sameeyey ee Garas qabsaday wuxu ku taagan yahay gobollada bariga markaa kala dooro Garas iyo bulshada gobollda bariga Somaliland”.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com