Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Dagaalka Koonfurta Sudan Oo Ku Fiday Meelo Badan Oo Dalkaasi Ka Mid Ah Iyo Tirada Dadka Somalida Ah Ee Ku Dhintay.

Juba(MSL)Dablay hubeysan ayaa magaalada Bor ee gobolka Jonglei oo ay qabsadeen mucaaradka taageersan madaxweynihii hore ee dalka Koonfurta sudan, Riek Machar ayaa maanta ku toogtay saddex qof oo mid ka mid ah uu ahaa Somali iyo laba qof oo Kenyan ah.

Saddexdan qof ee la dilay ayaa la sheegay inay u shaqeynayeen shirkad ka ganacsata shidaalka oo lagu magacaabo Trojan, waxaana dilkooda uu yimid kaddib markii kooxaha hubeysan ay ku weerareen gaadhi booyad ah oo ay wateen.

Magaalada Bor ee gobolka Jonglei ee dalka Koonfurta Suudaan ayaa tan iyo xalay waxaa ka socday dagaallo u dhexeeya ciidamada milateriga dalkaas oo kala taageersan Salva Kiir iyo Riek Machar.

Toogashada qofkan Soomaaliga ah ayaa waxay imaanaysaa iyadoo horay loogu dilay magaalada Jubba ee xarunta dalka Koonfurta Suudaan, kuwaas oo kala ahaa wiil iyo gabadh Soomaali ah.

Sidoo kale, marka laga tago dilka labadan qof ee Kenyanka ah ayaa waxay wasiiradda arrimaha dibadda ee Kenya sheegtay in dagaalladii ka dhacay Koonfurta Suudaan ay ku dhaawacmeen afar qof oo Kenyan ah.

Dalka Koonfurta Suudaan ayaa waxaa maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayey dagaal u dhexeeya ciidamada milateriga Koonfurta Suudaan, kuwaasoo kala taageersan madaxweynaha dalkaas iyo ku xigeenkiisii hore oo khilaaf aad u xooggan uu soo dhexgalay, wixii ka dambeeyay bishii July oo xilka laga qaaday madaxweyne ku xigeenkii dalkaas Riek Machar.

Colaadaha ka taagan Koonfurta Suudaan ayaa waxaa inta la hubo ku dhintay in ka badan 500 oo qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 800 oo qof oo kale, ayna ku barakaceen kumannaan qof.

 

Maantasomaliland.com

Hargeysa Office

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com