Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

xisbiyada Qaranka Oo Ku Heshiiyey In Doodii Qaran Lagu Wareejiyo Akaadamiyada Nabada somaliland.

Hargeysa(MSL)Kulan Maanta saddexda xisbi qaran ee Somaliland ku yeesheen xarunta Akadamiyadda Nabadda iyo horumarinta Somaliland, ayaa la isku afgartay in si wada jir ah ay shirka Talo-qaran u qabato Akadamiyadda Nabaddu.

Kulanka oo ay goob-joog ka ahaayeen Guddoomiyayaasha xisbiyadda Mucaaradka ah ee UCID, WADDANI iyo xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye, ayaa markii uu dhamaaday waxa guddoomiyayayaashaasi  xisbiyadu saxaafadda u sheegeen in la isku afgartay in shirkii doodada qaran ee xisbiyada Mucaaradka ahi abaabulayeen ay si rasmi ah u qabanayso oo ay  ku wareejiyeeb Akadamiyadda Nabadda Iyo horumarinta Somaliland , inkasta oo aanay shaacin wakhtiga la qabanayo iyo qaarbka uu u dhacayo.

Guddoomiyaha xisbiga Waddani, Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Guddoomiyaha Kulmiye, Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha UCID, Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa si isku mid ah u sheegay in la soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee dalka ka jiray, isla-markaana la isku afgartay in shirkii talo-qaran ay qabato Akadamiyadda Nabaddu.

Kulankan ay maanta xisbiyada mucaaridka ah iyo dhinaca xukuumadda oo uu u matalayey  gudoomiyaha xisbi xaakimka kulmiye ee soo afjara is  mariwaa

Mudo soo jiitamayey oo u dhaxeeyay xukuumadda iyo xisbiyada mucaaridka,balse ilaa shalay iyo xalay kulamo madaxtooyada ku dhexmarayey gudoomiyaha Golaha wakiiladda ahna gudoomiyaha xisbiga mucaaridk ah ee wadani Cabdiraxmaan Ciro  ayaad moodaa in la isla qaatay in doodan qaran lagu wareeji cida ay markaasi xukuumaddu u aragto dhex dhexaad.

 

maantasomaliland.com

Hargeysa Office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com