Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Gudoomiyaha Akaadamiyada Nabada Oo Soo Dhaweeyay Wareejintii Xisbiyada Mucaaridka Ee Qabashada Shirka Talo Qaran.

Hargeysa(MSL)Madaxwayne ku xigeenkii hore ee Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, oo hadda ka mid ah Masuuliyiinta Akadamiyadda Nabadda iyo horumarinta Somaliland, ayaa soo dhaweeyay heshiiskii saddexda xisbi ku gaadheen in shirkii Doodda qaran ay qabato Akadamiyaddu.
Md. Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, waxa uu amaan u soo jeediyay talaabadan oo uu ku sheegay inay muujinayso inay Somaliland qaaday wixii ay ku soo caano maashay “Aad iyo aad ayaanu ugu mahadnaqayaa haddii aanu Akadamiyadda Nahay saddexda xisbi qaran, sida ay noogu yimaadeen ee ay u ajiibeen gogoshii aanu u fidinay, runtii si xilkasnimo leh oo waddanimo ku jirto ayay arrimahii u guda galeen, ILAAHAYNA waxaan ka rejaynayaa in wixii u dhimana ay sidaa si la mid u dhamayn doonaan, waxa kale ugu mahad-naqayaa kalsoonida ay na siiyeen”

Mujaahid, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax, waxa uu sheegay inuu meesha ka baxay werwerkii shacabku qabeen “Waad ogeydeen waxa dalka ka jiray warwar badan oo ah tallow maxaa dhici doona oo la yeeli doonaa, laakiin waxay ku noqotay tii Somaliland ku caano maashay ee ahayd in la isku yimaaddo oo la wada tashadu oo la isku tanaasulo ee aynu hiddaha iyo dhaqanka u lahayn”ayuu yidhi, waxaanu rejo ka muujiyey in hawluhu sidaa loogu heshiyey ku dhammaadaan.

 

 

maantasomaliland

Hargeysa Office

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com