Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Ciidamada booliska, ayaa ku daba jira gacan ku dhiigle maanta dhaawacay Madaxii shaqaalaha ee Wakaalada Korontada dawladda ee Hargeysa

Ciidamada booliska, ayaa ku daba jira gacan ku dhiigle maanta dhaawacay Madaxii shaqaalaha ee Wakaalada Korontada dawladda ee Hargeysa, ka dib markii uu rasaas la beegsaday isaga oo ku sii jeeda gurigiisa oo ku yaala xaafadda Geed-goble ee Magaalada Hargeysa.
Warka ka soo baxaya weerarka lagu qaaday sarkaalkan wakaalada korontada dawladda ee Hargeysa, ayaa sheegaya in nin watay gaadhi yar oo Garande ah uu rasaas ku furay isaga oo maraya dariiq aan ka fogeyn gurigiisa, rasaastaasi oo uu ka soo gaadhay dhaawac.
Ninka rasaasta dhaawacday la beegsaday la sheegay inuu markii uu toogtay Sarkaalkan uu baxsaday, isaga oo ka cararay gaadhigii uu watay.
Sarkaalkan oo Magaciisa lagu sheegay Ilyaas Daa’uud Ibraahim, ayaa dhaawaca soo gaadhay loo dhigay cisbitaalka guud ee Hargeysa, si loola tacaalo xaaladdiisa caafimaad.

Dhanka kale, ilaa hadda waxa aan la aqoonsan haybta ninka dhaawacay sarkaalkan oo aan ilaa hadda gacanta lagu soo dhigin, inkasta oo ciidamada ammaanku ku deba jiraan

GABILAY NEWS XIGASHO

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com