Warning: Trying to access array offset on value of type bool in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 316 Warning: Undefined variable $theme_path in /customers/7/e/9/maantasomaliland.com/httpd.www/wp-content/themes/city-desk/framework/functions/misc-functions.php on line 102

Maayarka caasimada Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa maanta dhagax dhigay biriij sedexaad oo ay yeelan doonto caasimada dalka ee Hargaysa.

HARGEYSA (MAANTASOMALILAND)- DUQA caasimada Hargaysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa maanta dhagax dhigay biriij sedexaad oo ay yeelan doonto caasimada dalka ee Hargaysa.

Biriishkan oo lag hirgalin doono dhinaca bari ee casimada Hargysa oo ku beegan dhismahii fooqii jajabka Hargaysa kaas oo isku xidhi doona degmooyinka gacan-libaax iyo Maxamuud Haybe isla markaana ay hirgalintiisa iska kaashanayaan Hay’ada samofalka khayriga ah ee RAAF , Wakaalada horumarinta wadooyinka Somaliland iyo dawlada hoose ee caasimada Hargaysa.

Waxa dhagax dhigii ka hadlay Injineerka dawlada Hoose Eng Axmed Aaden oo sheegay in dhismaha biriijka in ay ku bixi doonto lacag dhan 500, 000 oo dolar kaas oo afar boqol oo kun oo dolar oo ka mid ah ay ku deeqday Hay’adda samo falka khayriga ah ee RAAF oo soo wakiilatay Hay’ada samofalka ee MANHAL , halka 50. 000 kun oo ka mida ay bixn doonto wakaalada horumarinta wadooyinka inta soo hadhayna ay bixin doonaan dawlada hoose.

Gudoomiyaha Hay’ada samofalka khayriga ah ee manhal Jaamac Faarax Cabdilaahi oo halkaasi isna ka hadlay ayaa sheegay in hay’ada RAAF ay mashaariic badan oo horumarineed in ay ka fulisay dalka kana uu daba socdo mashaariicdaasi hore.
Maayarka caasimada Hargaysa cabdiraxmaa Maxamuud Caydiid oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu si weyn u soo dhawaynayo dhagax dhiga biriijkan oo wax weyn ka tari doona isu socodka caasimada isala markaa uu u mahad celinayo Hay’ada RAAF iyo wakaalada horumarinta wadooyinka oo dedaal ugu jirta sidii loo horumarin lahaa guud ahaan wadooyinka dalka.

Waxa iyana halkaasi hadalo soo dhaweyn ah ka soo jeediyay saraakiil ka socotay dawladda hoose iyo marti sharaf iyo culimo kuwaas oo oo tilmaamay khayraadka ay leeyihiin mashaariicdaku saabsan danta guud sida wadooyinka iyo ceelashaiyo wixii

arimaha bulshada ah

MAANTASOMALILAND

HARGAYSA  OFFICE

XUSEEN XARBI.

Leave a Reply

Your email address will not be published.

Advertise with us: Contact: harbi_31@hotmail.com